Madaxweynaha Somalia oo Dhawaan si Qarsoodi ah ula Kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

0
961

NAIROBI, Kenya – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa dhawaan kulan qarsoodi ah la yeeshay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, kulankaasoo ahaa midkii ugu horreeyay oo mas’uuliyiin labada dhinac ahi yeeshaan, sida uu shalay baahiyay Wargeyska The Times of Isreal oo sheegay inuu kasoo xigtay warkan ilo ku dhaw madaxweynaha Soomaaliya.

 

Israa’iil ayaan wax xiriir siyaasadeed ah la lahayn Soomaaliya oo ka mid ah waddamada ku yaalla Gobolka Bariga Afrika, iyadoo Somalia oo xubin ka ah Ururka Jaamacadda Carabta aysan aqoonsanayn jiritaanka dowladda Israa’iil.

 

Warbixin lagu daabacay Shabakadda Caasimada Online, ayaa laba todobaad ka hor bahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saddex sarkaal oo kale ay dhawaan booqasho gaaban oo Qarsoodi ah ku tageen Magaalada Tel Aviv ee Caasimadda Israa’iil, iyagoo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo Xubno ka tirsan Xukuumaddiisa, sida uu Wargeysku ku sheegay xogta uu maanta baahiyay.

 

Sidoo kale, Wargeysta The Times of Israel ayaa sheegay in saraakiil ku dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay u xaqiijiyeen inuu kulankaani dhacay, balse aanay sheegin in kulankan uu ka dhacay Tel Aviv iyo in kale. Lamana oga illaa hadda Waxybaaha ay Rasmi ahaan uga hadleen labada mas’uul.

 

Waxay kaloo saraakiishani hadalkood ku dareen in kulan labaad oo dhexmari doona labada Hoggaamiye la qorsheegay in uu xilliyada soo socda uu dhaco, laakiinse lama oga halka uu k dhici doono.

 

Ilo-wareedyada ku dhaw madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in shir heer hoose ah oo lagu wado in bisha December ee sannadkan uu magaalada Qudus – Jerusalem ku Dhex-maro Wakiillo ka socda Wasaaradda Maaliyadda Israa’iil iyo Saraakiil Dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda.

 

Wargeyska The Times of Israel, ayaa sidoo kale Warbixintiisa ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka loo doortay sannadkii 2012-kii, uu soo daabacay sannadkii 2013-kii in Madaxweynaha Somalia uu ka yahay Boqolka Hoggaamiye ee Caalamka ugu saameynta badan.

 

Dhanka kale, Saraakiil Israa’iiliyiin ah – oo Maanta Arrintaan wax laga weydiiyay ayaa ku gacan-sayray inay ka hadlaan, Iyadoo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel, Dore Gold uu Wargeyskaan u sheegay inuusan u xaqiijin karin jiritaanka kulankaan, isla markaana uusan beenin karin. Sidoo kalena ma jiro Hadal Arrintaan la xidhiidha oo kasoo baxay dhanka Dowladda Federaalka Somalia.

 

Ugu dambeyn, Warbixintaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu Dalal ku yaalla Gobolka Bariga Afrika ku marayo booqasho rasmi ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Kenya oo xuduud la leh Soomaaliya.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here