Madaxweynaha Jabuuti oo xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaal milateri

0
5113

Paris (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xaalad caafimaad oo deg deg ah loo dhigay cusbitaal, kadib markii xanuun haleelay.

Madaxweynaha Jabuuti, ayaa la sheegay in saddexdii maalmood ee u danbeeyayba uu yaallaa cusbitaal milateri oo ku yaalla dalka Faransiiska sida aan xogta ku helayno.

Geelle, ayaa xilli uu u diyaar garoobayay ka qaybgalka shirka madaxda Qaramada Midoobay, ayaa la sheegay inuu ku soo booday xanuun laga deyrinayo heerkiisa.

Xanuunka soo waajahay Madaxweynaha Jabuuti oo aan la helin xaqiiqadiisa, ayaa waxaa ay wararka qaar sheegayaan in uu yahay faalig.

Madaxweynaha Jabuuti, ayaa shirkaas Qaramada Midoobay waxaa la sheegay in uu halkiisii ka qaybgalay Wasiirkiisa arrimaha dibedda duruufta timi awgeed.

Sidoo kale, waxaa baraha bulshada la isla dhexmarayaa oo lagu baahiyay warar sheegaya in uu Madaxweynaha Jabuuti geeriyooday.

Hase yeeshee, wararka la isla dhexmarayo baraha bulshada ee sheegaya in Madaxweyne Geelle geeryooday ayaan illaha xogaha aan ka helay aanay xaqiijin karin, waana xog in la rumaysto iyo in la beenniyo ay adagtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here