Madaxweynaha Jabuuti oo Golihiisa Wasiirrada Sidoodii Ku Soo Celiyay

0
1428
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle

Djibouti (Hargeisa Press) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhowaan mar kale loo caleema saaray xilka madaxtinimadda, ayaa galinkii damabe ee Isniintii shalay ku dhowaaqay golaha wasiirrada ee xukuumaddiisa.

Golahan wasiirrada ee uu ku dhowaaqay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxaa aan ka dhex muuqan waji cusub.

Dhammaan xubnaha golaha wasiirrada, ayaa ah kuwii hore xilalka u hayay oo sidooda loogu soo celiyay xafiisyada.

Sidoo kale, marka laga soo tago magacyada ma jirin xilal la kala wareejiyay ama isku shaandheyn lagu sameeyay.

Liiska wasiirrada ee ku dhawaaqay Madaxweynaha Jabuuti, ayaa ka kooban 26 xubnood.

Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, ayaa dib loogu magacaabay xilka Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here