Madaxweynaha DDS oo Tababar U Furay Ciidamo Maleeshiyaad Ah

0
591

Jigjiga (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa saaka waxaa uu tababar u furay ciidamo loo laylinayo ciidamada maleeshiyada DDS.

Madaxweyne Cagjar, ayaa sheegay in tababarkani ka mid yahay qorshe lagu sii adkaynayo amniga deegaanka.

Wuxuu sheegay in Ciidamadani ay billow u yihiin ciidamo billaha fooda inagu soo haya la tababbari doono si nabadgelyada deegaanka, xudduudaha iyo midda gudahaba loo sugo, si nabadgelyada xudduudaha iyo midda gudahaba loo sugo.

“Billowga tababbarkan qiimaha leh ee saaka idiin furmay waxa uu kamid yahay qorshe lagu sii adkaynayo amniga Deegaanka, waxaadna billow u tihiin ciidamo billaha fooda inagu soo haya la tababbari doono si nabadgelyada xudduudaha iyo midda gudahaba loo sugo”, ayuu yidhi Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxummed Cumar.

Waxaa sidoo kale, Santarka Koolo ee demada Doolo-addo uu tababbar noocan ah uga furmay ciidamo maleeshiyaad ah; Ciidamadan oo muddo bil ah qaadan doona tababbarka ciidanimo.

Ciidamadan, ayaa sida la sheegay waxaa la filaayaa in ay door weyn ka qaataan xoojinta nabadgelyada deegaanka ee xudduudaha iyo gudaha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamadan uu tababarka u furay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo isugu jira rag iyo dumar, ayaa dhamaantood ah dhalinyaro ay da’doodu aad u yartahay, waxaana laga cabsi qabaa inaanay sugi karin amniga deegaanka Soomaalida, iyadoona la sheegay in caruurtan dhalinyarada ah si qasab ah looga soo uruuriyay deegaannada Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here