HARGEISA , (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Dr Cumar Cilmi Dixood oo kamid ahaa lataliyayasha madaxwaynaha .
Madaxweynuhu waxa uu xabaasha kula kulmay Xubno ka mida qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii Digtoorka, waxaanu ka tacsiyadeeyey madaxweynuhu ka sheegay xabaasha dusheeda hadal kooban oo uu ku tilmaamay inuu ahaa halgamaa ka soo qaybqaatay la soo noqoshada madaxbanaanida dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay Qaranka Somaliland, ilaa haddana uu ka mid ahaa masuuliyiinta dalka.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa