HARGEISA , (HargeisaPress) —Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna musharaxa madaxwayne ee xisbiga Mujaahid Muuse Bixii Cabdi ayaa ka dhawawjiyay in madaxwaynaha kaliya ee caalamka ka jira ee uu aqoonsan yahay uu yahay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.
Waxaana uu gudoomiyuhu hadalkan ka sheegay munaasibad loo qabtay furitaanka saafarad ay dalka jabuuti ka furtay dalka Somaliland oo ay kazoo qayb galeen xubno wasiiro ah oo ka scoda xukumadda, saddexda xisbi qaran, xildhibaano iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Waxaana gudoomiyuha hadalkan kasoo yeedhay loo fasiran karaa inaanu aqoonsanayn jiritaanka jamhuuriyada Somaliland iyo madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isla markaana madaxwaynaha kaliya ee jiraa uu yahay Ismaaciil Cumar Geele waa sida uu hadalka u dhigee waxaana uu yidhi.
“Madaxweynaha kaliya ee caalamka ka jiraa waxaan u aqoonsanahay in uu yahay madaxweyne Imaciil Cumar Geelle ” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Si kasteba ha ahaatee hadalkan kasoo yeedhay gudoomiye Muuse Bixii ayaa bulshadii kasoo qayb gashay xaflada ay isla dhex marayeen isla markaan ay iswaydiinayeen sababta uu uga jeedo madaxwaynaha kaliya ee caalamka ka jiraa inuu yahay Ismaaciil Cumar Geele.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa