“Madaxda Xamar joogtaa Dhiiga Dadkooda ayay kunool yihiin” Wasiirka Ciyaaraha Somaliland

0
1744

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Muuse Faarax, ayaa dhaliilo xoogan u jeediyay madaxda Soomaaliya ka talisa.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu maamuusayay orodyahano ka kala socda waddamo kala duwan, kuwaasi oo ka qayb galaya tartan dhanka orodka ah.

Wasiirka, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu xaqal qalin ka qaato heshiiska Isfahan ee dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale, wasiirku waxaa uu sheegay in Madaxda Xamar joogtaa ay ku nool yihiin dhiiga dadkooda.

Wasiirka, ayaa eedaymo u jeediyay raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, isagoona ku eedeeyay in lagu qasbay inuu aflagaado kula kaco dadkiisii iyo dalkiisii uu ka soo jeeday ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here