“Madaxda Soomaalidu waxay isku dayayaan inay burburiyaan iftiinka dimuqraadiyadda Geeska”

0
2227

Taipei (Hargeisa Press)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Ambassador Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, ayaa sheegay in Gobolka Geeska Afrika, ay Somaliland tahay waddanka kaliya ee awood u yeeshay inuu sameeyo isbeddel aad loogu baahnaa, isla-markaana ay karti u yeelatay inay noqoto hogaamiye hirgaliyey isku dayo isbeddel ku salaysan.

Safiirka, ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boga uu ku leeyahay X, oo ay soo xigatay Shabakada HargeisaPress, waxanu sheegay in dastuurka Somaliland, yahay astaanta ugu muhiimsan ee muujinaysa sida ay Somaliland ugu guulaysatay heshiis bulsho oo loo dhan yahay, taasi oo uu sheegay in waddamada kale ee Geeska Afrika ayna weli gaadhin heerkan.

“Gobolka Geeska Afrika, Somaliland waa waddanka kaliya ee awood u yeeshay inuu sameeyo isbeddel in uu dhaco aad loo gu baahnaa. Somaliland ayaa karti u yeelatay inay noqoto hogaamiye hirgaliyey isku dayo isbeddel ku salaysan nabad, dimuqraadiyad, iyo sharciyad. Dastuurka Somaliland, oo ay dadkiisu cod buuxa ku ansixiyeen 97.7%, waa astaanta ugu muhiimsan ee muujinaysa sida Somaliland ugu guulaysatay heshiis bulsho oo loo dhan yahay. Waxay tani soo bandhigtay awoodda shacabku ku gaadheen go’aan mideysan oo horumar leh, halka waddamada kale ee Geeska Afrika aysan weli gaadhin heerkan.” ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee Taiwan Ambassador Maxamed Cumar Xaaji.

Wuxuu sheegay inay Somaliland hirgalisay nidaam dimuqraadi ah oo wata xorriyadda hadalka iyo saxaafadda, ku dhaqanka sharciga, iyo horumarinta suuq dhaqaale xor ah, isla-markaana ay muujisay in awoodda shacabku tahay furaha horumarka iyo xasilloonida.

“Somaliland kuma aysan ekayn hirgelinta dastuurka kaliya; waxay sidoo kale hirgalisay nidaam dimuqraadi ah oo wata xorriyadda hadalka iyo saxaafadda, ku dhaqanka sharciga, iyo horumarinta suuq dhaqaale xor ah. Tani waxay cadaynaysaa sida ay ugu daacad tahay xaqiijinta dawladnimo casri ah oo tayo leh. Xuddunta Dimuqraadiyadda iyo Xasilloonida Somaliland waxa ay tusaale fiican u noqotay sida dimuqraadiyadda iyo sharcigu uga qayb qaadan karaan xasilloonida siyaasadeed iyo wadajirka bulshada. Iyada oo leh dawladnimo ay dadku leeyihiin, Somaliland waxay muujisay in awoodda shacabku tahay furaha horumarka iyo xasilloonida. Tani waxay muhiimad weyn u leedahay guud ahaan Geeska Afrika, maadaama ay Somaliland tusaale cad u tahay in isbeddel nabadeed iyo dimuqraadi ah uu suurto gal yahay, xitaa marka laga yimaado xaaladaha adag ee gobolka.” ayuu raaciyay.

Safiirka Somaliland ee Taiwan oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay inay Somaliland noqotay ilays ifaya oo ay ahayd in ay ku daydaan waddamada gobolku si ay u gaadhaan isbeddel waara oo ku salaysan dimuqraadiyad iyo sharciyad.

Madaxda Soomaalida, ayuu sheegay inay kun jeer isku dayayaan in ay burburiyaan iftiinka dimuqraadiyadda Geeska, iyagoo buu yidhi ay aad uga soo horjeedaan dawladnimo ay dadku leeyihiin. Waana sidaa sida ay Somaliland loo la dagaalamayo.

“Somaliland, iyada oo leh dawladnimo casri ah oo ku salaysan rabitaanka shacabka, waxay noqotay ilays ifaya oo ay ahayd in ay ku daydaan waddamada gobolku si ay u gaadhaan isbeddel waara oo ku salaysan dimuqraadiyad iyo sharciyad. Nasiib-darro, madaxda gobolka, gaar ahaan kuwa Soomaalidu ha joogto in ay Somaliland ku daydaane waxa ay kun jeer isku dayayaan in ay burburiyaan iftiinka dimuqraadiyadda Geeska, waayo waxa ay rabaan in ay xukunka iska fadhiyaan. Waxa ay aad uga soo horjeedaan dawladnimo ay dadku leeyihiin. Waana sidaa sida ay Somaliland loo la dagaalamayo.” ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Ambassador Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here