Madaxda Bangiga Somaliland oo kormeeray suuqa sarifka, kadib isbeddelkii ku-yimid sarifka

0
1417

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa waxaa uu maanta kormeer indho-indhayn ah uu ku soo maray suuqa sarifka lacagaha ee gudaha caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayay Agaasimaha guud ee Bangiga Dhexe iyo masuuliyiinta kala duwan ee Bangiga.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo masuuliyiinta bangiga, ayaa ujeedkoodu la xidhiidhay, sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda sarifka shilinka Somaliland iyo lacagta qalaad ee dollarka.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir oo kormeerka kadib, hadlay, ayaa fariin u diray Ganacsatada dalka iyo Sarifleyaasha.

Waxaanu ganacsatada waa weyn ee Somaliland uu ugu baaqay inay waxku iibiyaan qiimaha uu marayo shilinka Somaliland, isla-markaana ay u tudhaan shacabkooda.

Suuqyada sarifka lacagaha ee Somaliland, ayaa shalay sameeyey hoos u dhac dhan 3.85%, taas oo ah isbeddel muuqda oo si degdeg ah u dhacay hal maalin gudaheed.

Arrintan, ayaa ka dhalatay xaaladda isbebelka siyaasadeed ee ay Somaliland gashay, kadib markii Madaxweynaha xilka ka sii degaya Muuse Biixi Cabdi uu si rasmi ah u aqbalay natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxtinimada Somaliland, oo maalinimadii Salaasadii si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Ka hor doorashada, qiimaha $100, ayaa lagu sarifayey 1,150,000 SLSH, taas oo ahayd halkii ugu sarreysay abid ee uu gaadho sarifka Somaliland (ALTH).

Shalay, sarifka, ayaa hoos ugu soo dhacay 1,000,000 SLSH, taas oo ka dhigan hoos u dhac dhan 15% muddo todoba maalmood gudahood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here