Laascaanood (Hargeisa Press)- Odayaasha, waxgaradka iyo madax-dhaqameedka gobolka Sool, ayaa madaxweynaha Somaliland ku taageeray go’aanka uu qaatay arrimaha doorashooyinka.
Odayaasha iyo madax-dhaqameedka Sool, ayaa si weyn u taageereen in ay soo horayso doorashada ururrada Siyaasada ee Somaliland.
Sidoo kale, xubnahan Odayaasha iyo Madax-dhaqameedka oo maanta warbaahinta kula hadlay Laascaanood, ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay madax dhaqameedka beesha Garxajis.
Waxaanay sheegeen in aanay Somaliland iska lahayn beel gaar ah, balse in taa bedelkeeda dalka la wada leeyahay.
Madax dhaqameedka Sool, ayaa sidoo kale sheegay in labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, uu ka saxsan yahay madaxweyne Muuse Biixi.