Maayirka Laascaanood oo Maamulka Puntland iyo Al-shabaab Ka Difaacay Eedaymihii Somaliland

0
1700

Laascaanood (Hargeisa Press) – Maayirka magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka magaalada Laascaanood, waxaanu sheegay in boqollaal Qof ku dhinteen, isla markaana ay Laba Boqol oo Qof ku barakeceen.

Maayirka, ayaa wuxuu sheegay in dagaalka ay ku dhinteen dad shacab ah oo gaadhaya 210, ayna ku dhaawacmeen 680 qof, kuna barakaceen 200,000 oo Qof, islamarkaana ay burbureen 715 Guri.

Waxaa uu sheegay in ay dhibaato soo gaadhay xafiisyada Xukuumadda iyo Cusbitaalka wayn ee Laascaanood oo qaybo ka mid ahi burbureen.

Maayirka magaalada Laascaanood, ayaa dhinaca kale Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo kooxda Al-Shabaab ka difaacay eedaymo ay Somaliland u jeedisay oo ahaa inay Ciidammada Maamulka Puntland iyo Kooxo Argaggixiso ahi ka garab dagaallamayaan Malleeshiyo Beeleedka hubaysan ee Reer Laascaanood.

Waxaa kaloo uu sheegay inaanay Maamulka Puntland iyo Argaggixiso toona Somaliland kula dagaallamayn, balse keliya dadka deegaanku la dagaallamayaan Ciidanka Qaranka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Maayirka oo ku hadlayay afka Golaha Deegaanka Laascaanood, ayaa soo jeediyay 3 qodob oo uu sheegay in ay ka gole deegaan ahaan u arkaan in lagu nabadayn karo magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here