Maayirka Hargeysa oo Balan Qaaday In La Furayo Jidadka Xidhan

0
1386

Hargeisa (Hargeisa Press) – Maayirka magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in waddooyinka xidhan ee magaalada, in sidii loo furi lahaa ay kawada tashanayaan mas’uuliyiinta degmooyinka.

Maayir Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ka codsaday shacabka inay u fududeeyaan hawl wadeenada, sida ciidanka dab damiska marka uu dab kaco, sidii ay u damin lahaayeen.

Ciidanka dab-damiska, ayaa marar badan ka cawday shacabka oo aan u dhaga nuglaan marka ay qaylada dhiilada dhawaq dheer ku gaadhsiiyaan.

Ciidanka dab-damiska ayay magaalooyinka waa weyn ee Somaliland caqabad weyni ka haysataa badbaadinta dad iyo hantida marka uu kaco dab, maadaama waddooyinku yihiin kuwo yaryar oo cidhiidhi ah, halka mararka qaarkoodna ay dhacdo in dhabadiiba gabi ahaan la xidho.

Maayirka magaalda Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa laamaha ku shaqada leh amray inay waddooyinka furaan, wax alle iyo wixii ay ku qaadataba, si mar kale hadduu dab kaco u adkaan in badbaadin deg deg ah la sameeyo.

Hadalkan maayirka, ayaa yimid kadib markii Ciidanka Dab-damiska magaalada Hargeysa ay waayeen meel ay u maraan Guri xalay ku gubtay magaalada Hargeysa oo ay ku geeriyoodeen laba Caruur ahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here