Gabiley,(HargeisaPress) – Waxaa maanta si rasmi ah hoolka weyn ee Dawladda Hoose Gabiley uga qabsoomtay munaasibadda xil-wareejinta Xoghayaha Fulinta ee cusub, taas oo uu xilka ku wareejiyay Xoghayihii hore Cabdiqaadir Maxamed Cabdi, Kuna Wareejiyay Xoghayaha cusub Cabdale Muxumed Geele.
Munaasibaddan oo ahayd mid si heersare ah loo soo abaabulay, waxa si rasmi ah u guddoomiyay Maayarka Gabiley, Mudane Cabdirashiid Haybe Faarax (Daacad), waxaana goobta ku wehelinayay Maayar Kuxigeenka, Dr. Cabdilaahi Ismaaciil Cabdi.
Xafladda waxaa kasoo qaybgalay: Agaasimayaasha Guud, Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Gabiley, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka GabileyCuqaal, Waxgarad, iyo Haween ka kala socday xaafadaha Gabiley Shaqaale waynaha Dawladda Hoose Gabiley Marti sharaf kale oo ka kala socotay Hay’adaha iyo Bulshada Rayidka ah.
Intii lagu guda jiray xil-wareejinta, Maayarka Degmada Gabiley ayaa si qoto dheer ugu mahadceliyay Xoghayihii hore Cabdiqaadir Maxamed Cabdi, Sidoo kale, Maayarku wuxuu bogaadiyay magacaabista Xoghayaha cusub Mudane Cabdale Muxumed Geele.
Dhankiisa, Xoghayaha cusub Mudane Cabdale Muxumed Geele ayaa balanqaaday inuu si hufan, daahfurnaan, iyo kalsooni ku dhisan ugu shaqayn doono bulshada reer Gabiley.






































