Maayirka Gabiley oo Madaxwaynaha Somaliland uga Mahad Celiyay Mashaariicda Horumarineed ee Taariikhiga ah

0
301

Gabiley,(HargeisaPress)– Maayirka Gabiley oo Madaxwaynaha Somaliland uga Mahad Celiyay Mashaariicda Horumarineed ee Taariikhiga ah

Maayirka magaalada Gabiley, Mudane Cabdirashiid Daacad, ayaa si weyn ugu mahad celiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi kaddib munaasibad qalin-jabin ah oo ka dhacday Jaamacadda Timacadde ee Gabiley.

Maayirku wuxuu ammaanay mashaariicda horumarineed ee uu Madaxwaynuhu ka dhagax dhigay magaalada, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo nolosha bulshada wax weyn ka beddeli doona, gaar ahaan dhinacyada biyaha, caafimaadka, iyo waxbarashada.
“Waxaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uga mahad celinayaa mashaariicda ay biyaha iyo caafimaadku ugu mudan yihiin ee uu maanta soo dhagax dhigay,” ayuu yidhi Maayirku.

Sidoo kale, Maayir Cabdirashiid Daacad ayaa xusay in sababihii keeni jiray in dadku magaalada uga hayaamaan sida adeeg la’aanta biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka hadda la filayo in si buuxda looga gudbi doono, bulshaduna ay dib ugu soo laaban doonto magaalada.

waxaanu yidhi“Mudane Madaxwayne, waxyaabaha magaalada looga guuri jiray waxa ka mid ahaa waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha. Runtii maanta saddexduba rajo weyn bay leeyihiin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here