Gabiley (Hargeisa Press)- Maayarka magaalada Gabiley, Cabdirashiid Haybe Faarax (Daacad), ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Maaliyadda, Cashuuraha iyo Qorsheynta ee Dawladda Hoose ee Gabiley.
Ujeeddada kulankaasi, ayaa ahayd is xogwaraysi, lafa-gur iyo dardar gelinta hawlaha shaqo ee waaxyahaas muhiimka u ah horumarka iyo maamul wanaagga degmada.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha shaqo, kor loogu qaadi lahaa dakhliga gudaha, loo xoojin lahaa nidaamka miisaaniyadda, isla markaana loo xaqiijin lahaa adeegyo hufan oo gaadha bulshada.
Maayarka waxaa kulankaasi ku wehliyay Maayar Ku-xigeenka Gabiley, Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada, Mursal Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Axmed-weli Khaliif, Xoghayaha Fulinga Dawladda Cabdiqaadir Maxamed Cabdi, La-taliye sare, Arrimaha Dhaqaalaha, Cabdirisaaq Daahir Salaan, La-taliye Sare, Mukhtaar Muxumed Xasan, Agaasimaha Cusub ee Waaxda Cududa Shaqaalaha Xamse Daa’ud Habane, Madaxa Xafiiska Warbaahinta Maxamed Jaamac & Xoghaynta Gaarka ah ee Xafiiska Maayarka Ayaan Ibraahim Axmed.