Widh-widh (HP): Maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, ayaa maanta baabuur Unbalance ah ku wareejisay maamulka wasaaradda caafimaadka ee degmadda Widh-widh ee gobolka Buuhoodle.
Baabuurkaasi Unbalance-ka ah oo uu bixiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ooh ore ugu balan qaaday deegaankaasi ayay maayarku waxay ku wareejisay maamulaha cusbitaalka degmadda Widh-widh.
Munaasibadda wareejinta baabuurkaasi oo lagu qabtay xarunta hooyadda iyo dhalaanka ee degmadda Widh-widh oo ka tirsan gobolka Buuhoodle waxaa goob joog ka ahaa xubno ka mid ah golaha deegaanka Buuhoodle, xoghayaha dawladda hoose ee Buuhoodle.
Cuqaal, odayaal, waxgarad, iyo masuuliyiinta bahda caafimaadka ee degmadda Buuhoodle, oo uu ka mid ahaa isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Buuhoodle.
Maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, ayaa kula dar-daarantay masuuliyiinta caafimaadka Widh-widh in ay si weyn isaga xilsaaraan, isla markaana u ilaashadaan baabuurkaasi.
Waxaanay sheegtay maayarku in baabuurkani Unbalance-ka ay baahi weyn u qabeen bahda caafimaadka ee degmadda Widh-widh, isla markaana ay hadda kaga maarmi doonaan baahiyihii ay qabeen.
Geesta kale Aamina Cabdi Ciise, oo ah maamulaha MCH-ka degmadda Widh-widh, oo wareejinta baabuurkaasi ka dareen celisay ayaa si weyn ugu mahad celisay madaxweynaha Somaliland inuu ka dhabeeyay balan qaadkii uu hore ugu sameeyay.
Maamulaha MCH-ka Widh-widh, ayaa sidoo kale u mahad naqday maayarka Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, oo ay tilmaantay in ay hawlo badan oo waxqabad ah ka fulisay deegaamadda degmadda Widh-widh.
Dhinaca kale xubno ka mid ahaa odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Widh-widh oo iyagna halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood ba si weyn madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ugaga mahad celiyay baabuurkan Unbalance-ka ah ee uu ugu soo deeqay.
Hargeisa Pres.com/Hargeisa Office.