“Todobaadyadan u danbeeyay hoos buu u socdaa xanuunka Covid-19”…

0
556

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cal (Gaafaadhi), ayaa maanta hor tegay guddi hoosaadka joogtadda ah ee golaha Wakiiladda Somalland, kadib markii ay u yeedheen.

Waxaanay xildhibaanadu wasiirka ka xog waraysteen hawlaha shaqo ee ay wasaaradda caafimaadku bulshadda uga masuulka tahay, waxyaabaha ay u hirgelay iyo waxyaabaha ay ka qabteen xanuunka Covd-19, iyo arrimo kale.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Wakiiladda ayay intii uu socday ay warbaahintu banaanka ka joogtay. Waxaana markii uu soo dhamaaday kadib warbaahinta faahfaahin ka siiyay arrimihii ay labadda dhinac ka wada hadleen wasiirka caafimaadka iyo guddoomiyaha guddi hoosaadka joogtadda ah ee golaha Wakiiladda.

Wasiirka caafimaadka Xasan Gaafaadhi, ayaana sheegay in kulankaasi ay xildhibaanadu wax kaga waydiiyeen hawsha ay  wasaarad ahaan  iyo wasiir ahaan ba qaranka u hayaan, isla markaana ay su’aallo ka waydiiyeen waxyaabihii ay u baahnaayeen.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here