Dalka waxaa ka qabsoomay doorashooyinkii golayaasha deegaankaoo ahayd doorashadii ugu cuslayd ee dalka ka qabsoonta, waxaanaka qayb galay xisbiyo iyo ururo siyaasadeed. Waxa loo Huray waqti badan waxaana la galiyey tamar aad u badan, iyada oo Laf-dhabarta doorashooyinku ay ku socdeena ay ahayd nabadgelyada Iyo dhaqaalaha oo aanay la’aantii waxba qabsoomeen.Natiijadii Doorashooyinka ama shaqsiyaadkii ku soo baxay doorashooyinka ayaa bulshadu siyaabo kala duwan uga aragti bixiyeen, waanawax iska caadi ah in bulshadu ku kala aragti duwanaato, Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda (gaalka dil gartiisana sii). Runtii maahmaahdaasi,luuqad ahaan way adagtahay laakiin ujeedada ayuunbaynu ka raacaynaaye.
Waxaan rabaa bal in aan iftiimiyo muxuu qabtay Maayarka caasimada Hargeysi?Muddadii Sanadka ahayd ee uu xilka hayey ma yahay nin xilkiisii si fiican u gutay,mise wuxuu noqday nin baal maray?Su’aalahaas waxaynu si sax ah uga jawaabi karnaa marka aynu ku qiimayno xilka loo doortay ee ah Maayarka CaasimaddaSomaliland ee Hargeysa, inagoo dhinac iska dhigayna danaha shakhsiga ah ee baloog iyo baloodh, iyo wixii la hal maala ayaan ka waayay.
Sida aynu wada ogsoonahay dawlada hoose ee Hargeysi waxay u xilsaarantahayadeegyo fara badan oo ah, lafdhabarta bulshada sida dhismaha wadooyinka iyoBiriishyada, faya dhawrka guud ee bulshada, sida biyo mareenada ,goobaha xoolaha lagu soo qalo(kawaanada), Sariibadaha oo ah goobo u baahan nadaafad joogta ah, bilicda caasimada nashqadaynta Iyo qaabaynta magaalada iyo wixii kale ee la jira.
Haddaba mudadii koobnayd ee maayerku xilka hayey waxa la sameeyay Jid casri ah oo noqonayaAsphalt road international standard oo ka soo bilaabanta bariga magaalada Hargeysa (Halaya eeriya) dagmada M/haaruun ilaa Jigjigayer Ib/koodbuur, jidkaas oo ah jidka wadnaha ama badhtamaha Hargeysa kaas oo dhererkiisu yahay 17km oo noqonaya jid raasamaala ,oo aan ahayn (yeel oo igu noqo) waxa kaloo jid laami ah la dhigay 18km iyo badh oo loo qaybiyey degmooyinka caasimada. Sidoo kale ,waxa dayac tir lagu sameeyey 19km oo ah degmooyinka Hargeysa waxa kale oo aan ladafirikarin , dhisamaha 11 Biriish oo iskugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo yaryer, biriish yaradaa oo qaarka kamida ay dhamaadeeniyo qaar wali gacanta lagu hayo, iyada oo ay barbar soodaan dib udhiska xafiisyada xarunta dawlada hoose, iyo xafiisyada degmooyinka iyo qalabayntooda.Waxa la hirgaliyey barnaamijka Mar Mar dhigista caasimadda, iyada oo marka laga reebo kharashka ku baxaya, ay dawlada hoose lahayd masuuliyada qaabka loo dhigayo iyo tayada MarMarku sida uu yahay.
Waxa xusid mudan oo dawlada hoose ee Hargeysa kusoo kordhay gaadiid tiradoodu dhanyahay 19 oo iskugu jira, Dab-damisyo,Gaadiidka iska Rogooyinka,oo noocoodu yahay Cinotruck (24 ton),Ambalaasyo,Sheewalo,Rugley, GraderMachine, iyo iska Rogooyin yaryar.
Waxa habeenkii indhahaagu qabanayaan markaad marayso dhakhtarka weyn hortiisa qashaafado cad cad oo ku shaqaynaya solar system ooqayb weynka qaatay Bilicdii iyo Nabadgalyeda magaalada taas oo la ii sheegayinay yihiin tijaabo,balse lagaadhsiin doono qaybaha kale caasimadda .Waxaaban xasuustay heestii Hodan Cabdiraxamaan ee ahayd (Hargeysa oo siraadan waan sugayee).
Waxyaabaha kale ee aad ku farxayso markaadaragto waxa kamida 7 Gaadhi oo ah Dab Damisyo oo dhex yaala xayn daabka dawlada hoose iyo shaqaale gaadhaya 30 qof oo iskugujira dirawaladii iyo shaqaale loo taba baray sida loo xakameeyo dabka.Waxa kale oo jira waxyaabo kale oo aan qoristooda ka hawl yaraystayhadaba markaan is barbar dhigno hal sano iyo wax qabadkaa aan hore u xusnay .waxay jawaabtu noqonaysaa nin ka soo baxay xilkii loodhiibay iyo waliba dheeraad. Taasna waxaa markhaati noqonaya markaad booqato xarunta dawladda hoose ee Hargeysa oo barxadii dadku buuxi jireen aad hadda markaad tagto aroorta hore intaan shaqada loo kala bixin, aad ka waayayso meel aad istaagto, maadaama ay xaydaabka buuxiyeen gaadiidka cagafta, iska-rogada, gaadiidka dab-damiska ah iyo Ambalaasyadu buuxiyeen, kuwaas oo muddadaa sannadka ah intii Maayar Soltelco xilka hayay uu u suurto-geliyay inay dawladda hoose iibsato.
Dhinaca fikirka iyo aragtida dadku way ku kala duwanaan karaan,laakiin qofka wax qabad muuqda arkayaahadana kala masuugaya hambalyada iyo dhiirigalinta waxaan usoo qaadanayaa gabaygii uu tiriyey gabayaagii weynaa ee Salaam Carrabay tuduc ka mida oo ahaa:-
Waxba yaanu xeerkay I marin
Xoolona ii siine
Xaasha’e nin libin kaa xistiyey
Xumihii waa yaabe
By:Maxamed Wadaadyare
Muwaadin reer Hargeysa ah
Tel: 0634174517