Maareeye ku-xigeenkii hore ee Dekedda Berbera oo lagu aasay Magaalada Burco

0
830

Burco (Hargeisa Press)- Boqolaal qof oo ka mid ah shacabka magaalioyinka Burco, Hargeysa iyo Berbera oo ay ku jiraan masuuliyiin xilal qaran haya, xildhibaanno, siyaasiyiin, mashaayiikh, madaxdhaqameed iyo qaybaha kale ee bulshada, ayaa Magaalada Burco kaga qaybgalay aaska Marxuum Cumar Abokor Maareeye ku xigeenkii hore Dekedda Berbera.

Marxuumka, ayaa shalay ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay duleedka Xamaas xilli uu safar ku jiray, waxaana loo qaaday dhinaca Magaalada Berbera, halkaas oo maamulka degmada iyo masuuliyiin kale kasii gudbiyeen maydka marxuumka si loogu aaso magaalada Burco.

Maareeye ki xigeenkii hore ee Dekedda Berbera Cumar Abokor jaamac, waxay geeridiisu ku noqotay in badan oo ka mid ah bulshada mid muraga ah oo ay si dhow u dareemeen.

Sidoo kale, Masuuliyiinta iyo dadweynaha kale ee ka qaybgalay aaska Marxuum Cumar Abokor, ayaa dhammaantood Muujiyay dareenka murugada geerida marxuumka, waxay ka markhaati kaceen inuu ahaa shaqsi wanaagsan oo bulshadu jeclayd oo dadka u naxariista, isla markaana ay ka nabadgaleen afkiisa iyo gacantiisa. Sidaa awgeed bulshada kasoo qaybgashay jinaasada marxuumka ee kala yimi. Togdheer, Saaxil, Maroodijeex iyo weliba Caynaba ay markhaati u tahay shaqsuyadii iyo wanaagii marxuum Cumar Abokor oo muddo dheer ahaa Maareeye ku xigeenka Dekedda Berbera.

Masuuliyiinta iyo shaqsiyaaskii kale ee ka qaybgalay aaska marxuumka ayaa geerida marxuumka ka tacsiyeeyay qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo Qaranka Somaliland , waxayna Allah uga baryeen denbidhaaf iyo inuu janafardawsa ugu deeqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here