Berbera, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu xilka ka qaadayo Maareeyaha Wakaallada Biyaha Berbera Cabdi Cartan in muddo ah madax ka ahaa Wakaallada, sidaa waxa Hargeisapress.com u xaqiijiyey Ilo-wareedyo ku dhadhow Madaxtooyada iyo saraakiil kale oo arrinta u dhuun daloola.
Cabdikariin Axmed Cawaale oo ka mid ah Aqoonyahanka Gobolka Saaxil, khaasatan Magaalada Berbera ku nool, ayaa la sheegay in Madaxweynuhu u magacaabi doono Maareeye cusub, sida ay Ilo-wareedyadu tabaaxayaan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo la xidhiidha arrinta xil ka qaadista Maareeye Cartan, hase ahaatee soo bixista xogtan oo aad loogu kalsoonaan karaa waxay timi, iyadoo beryahan-ba aad loo hadal-hayay in Madaxweyne Siilaanyo isku shaandheyn mug weyn ku samaynayo Golihiisa xukuumadda, taasoo hadal-haynteedu aad warbaahinta ugu badnayd usbuucan, balse uu Maanta Afhayeenka Madaxtooyadu beeniyay, isagoo ku tilmaamay warar male-awaal ah oo Saxaafaddu buun-buunisay.
Mid ka mid ah xogta Ilo-wareedyadu waxay daboolka ka qaadaysaa inay dhanka Madaxweynaha ka soo dhamaatay xil ka qaadista Maareeyaha hore iyo magacaabista Ninka lagu bedelayo ee la magic-dhabay, si rasmi ahna looga shaacin doono maalmaha fooda inagu soo haya, siiba khamiista Beri oo aad loogu badaniyo.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Maareeyaha hada Wakaalada Madaxda ka ahi uu marka horeba ka soo socday shaqada, isla markaana uu doonayo inuu isu soo taago Mudane Baarlamaan, Doorashada Golaha Wakiillada ee soo socota, sidaasi darteed uu dalbaday in cid kale xilkaa loo soo magacaabo, wallow aan wali la hayn istiqaalad xagiisa ka timi oo uu rasmi ahaan u gudbiyay.
Dadka aqoonta iyo waayo aragnimada u leh Masuulka cusub ee loo baalaleynayo in Maareeyaha Wakaalada laga dhigo iyo xaaladda Adeegga biyaha ee Magaalada Dekedda leh ee Berbera, ayaa tilmaamay in Masuulka la soo wadaa uu yahay Nin Aqoon iyo karti lagu tuhunsanyahay, waxna ka qaban karo baahiyaha biyo-yaraaneed ee Magaalada ka jirta oo maamulkan wali xafiiska joogaa ku guul-daraystay xal u helideeda intii uu masuuliyadda hayey.
Magaalada Berbera ayaa aad biyo yaraan loo dareemaa xilliga xagaagii, gaar ahaan bilaha June iyo jully oo ah badhtamaha xaggaaga, sababtuna waxa weeyaan Dadka oo biyaha aad u isticmaala iyo Ceelasha biyuhu ka yimaadaan yar, masaafo dheer-na u jira Magaalada. Si kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo xaqiiqada xogtani waxay ku dambeyn doonto, hase ahaatee boqolkiiba sagaashan dadka u dhuunta daloola waxay ku adkaysanayaan arrin aan wax ka qabyo ahi jirin.