Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo qaabilay wefti ka socda Shirkadda DP World

0
1056

Hargeysa (Hargeisa Press) – Maareeyaha guud ee Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, ayaa kulan saacado qaatay magaalada Hargeysa kula yeeshay wafti ka socda shirkadda DP World oo uu hoggaaminayay Maareeyaha Bariga Afrika ee shirkadda, Mr. Supachai Wattanaveerachai.

Kulankan ayaa sidoo kale ay ka qayb galeen Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Xasan Aaden, Wasiiru-Dawlaha Maaliyadda Md. Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Md. Maxamed Xasan Saleebaan.

Kulanka oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta dhaqaalaha dalka, ayaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan kuwa la xidhiidha dekedda Berbera iyo mashaariicda lagu kobcin karo dhaqaalaha dalka.

Madaxda saddexda dhinac ayaa is weydaarsaday warbixino la xidhiidh arrimaha maaliyadda iyo horumarka dhaqaalaha, iyadoo la isla qaatay in kulamo dheeraad ah oo wadatashi ah lagu sii wado qorshayaal lagu horumarinayo maalgashiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here