Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Abaalmariyey Shaqaalihii ugu Wanaagsanaa Shaqada Sannadkii 2015 + Daawo Sawirro Qurux badan

0
1494

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa ee dawladda Somaliland, ayaa abaalmariyey shaqaalihii ugu wanaagsanaa shaqada hay’addaasi dadweynaha u hayso sannadkii tagay ee 2015.

DSC_1610

 

Xaflad loo sameeyey bixinta abaalmarinaha shaqaalaha iyo shaacinta guulaystayaasha qiimaynta shaqo-wanaagga Wakaaladda Biyaha oo lagu qabtay huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa caawa, waxa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Dib-u-dejinta – Dr. Maxamed Aw Daahir iyo Cali Siciid Raygal, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil, Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdillaahi Xasan Aaden, Maareeyaha guud, madaxda iyo shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

DSC_1474

Xafladan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis, Waxaanu Caawa Xaflad Abaal Marin ah u Qabaney shaqaalaha Wakaalada Biyaha ee Hargeysa ee mujiyey Dedaal, Daacadnimo, Hufnaan iyo hawl karnimo sanadkii aynu soo dhaafney ee 2015, kuwaas oo lagu abaal mariyey Abaal marino lacageed iyo Shahaado sharaf, waxaanan leeyahay intii Nasiibka u heshay Hambalyo Hambalyo inta kalena waxaan u rajeynayaa in ay higsadaan sanadka dambe abaal marinada kale.” ayuu yidhi Ibraahim Siyaad

DSC_1460

Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Cismaan Cabdillaahi Hirad iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka Lacagta Maxamuud Xaaji Xirsi oo hadallo ka jeediyey xafladda, ayaa ka warramay abaalmarintan oo ay ku ammaaneen inuu hindisay Maareeyaha hadda xilka haya Ibraahim Siyaad, iyagoo sharraxaad ka bixiyey qiimaynta lagu kala saaray shaqaalaha iyo qodobada lagu salleeyey oo ay ka mid yihiin; shaqo wanaagga qofka, ilaalinta ammaanada qalabka iyo hantida, hab-dhaqanka qofku ku qaabilo macaamiisha iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa shaqaalaha, saacadaha uu shaqeeyey iyo maqnaanshaha iyo xilkasnimada dheeraadka ah. Waxa kaloo ay ku booriyeen shaqaalaha in aanay qiimaynta macnaheedu ahayn inay shaqeeyaan oo keliya inta la abaalmariyey, balse lagu kala guulaystay dhibco aad isugu dhawdhaw, sidaasi darteedna loo baahan yahay in inta aan helin u hanneeyaan asxaabtooda kale, kuna dadaalaan inay guulaystaan sannadka dambe.

DSC_1585

Maareeye Siyaad waxa uu intaasi raaciyay in uu wax badan ka qabtay shaqaalaha wakaaladiisa wax ana uu carabka ku dhuftay in ay hagaajiyeen maamulka iyo maareynta xafiiska wakaaladda, waxana uu yidhi “Shaqaalaha Waxbaanu ka qabanay, Maamulka waxbaanu ka qabanay, sidoo kale waxa aanu wax ka qabanay Biyo soo saarka” waxana uu intaasi ku daray “ shaqaalaha markaan ka qaado shaqaalaha waxsoosaarka waxaanu u kordhinay .

DSC_1490

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa isaguna ku ammaanay guud ahaan shaqaalihiisa inay yihiin dad shaqo fiican oo adag qabta oo ku dadaala inay si wanaagsan u gaadhsiiyaan dadweynaha adeegga biyaha kooban ee soo gaadha caasimadda, isla markaana ujeeddada ay ka leeyihiin abaalmarintooda sannadlaha ahi tahay si kuwa shaqada fiican gudatay u sii dadaasho, inta kalena ugu dayan lahayd.

DSC_1575

“Waxaannu qaadanay siyaasad odhaysa in boqolkiiba 20% shaqaalewaynaha Wakaaladda la abaalmariyo sannad kasta, markaa lixda waaxood ee ay leedahay Wakaaladdu ka kooban tahay mid walba tirada shaqaalaheeda waxa loogu dhuftay 20%, kadibna tirada ka soo baxday oo uu soo xulay agaasimaha waaxeedkaas oo aannu annaguna ka eegnay qof walba sababta uu ku soo xulay, iyadoo aanay ku jirin madax-waaxeedyada iyo agaasimayaashu,” ayuu yidhi Md. Ibraahim Siyaad.

DSC_1627

Waxa kaloo uu xusay in waxyaabaha ay maamul ahaan dhiirrigeliyaan ay ka mid yihiin sii wadida waxbarashada iyo joojinta balwadaha ee shaqaalahooda, waxaannu yidhi, “Waxyaabaha la eegayey waxa ka mid ahaa qofku waxbarashadiisii miyuu sii watay intii uu shaqaynayey, waayo Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay shaqaalaheeda ugu tabarucday qof kastoo doona inuu jaamacad dhigto boqolkiiba 50% kharashkeeda ka bixiso wakaaladdu. Sidoo kale, iminka laba bilaabo wakaaladdu abaalmarin ayey sannad walba siin doontaa qof kastoo iskadaaya balwadda Jaadka ama Sigaarka.”

DSC_1517

“Hay’ad ahaan waxaan arkayaa isbeddel wayn oo ku yimi Wakaaladda Biyaha Hargeysa, berigii hore waxay u eekayd xabaasha miisaaniyadda, sababta oo ah mar walba masuuliyiinta xilkeeda la kala wareegi jirtay waxay isku wareejin jirtay dayn, xataa isbeddelkeedu shaqaaluhu ka muuqdaa. Maanta Hargeysa biyo ku filan ma wado hesho oo weli wax badan baa innaga dhiman, laakiin waxaan idiin rajaynayaa inaad ku guulaystaan dadaalkiina oo magaalada biyo wada heli doonto dhawaan.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Dr. Maxamed Aw Daahir.

DSC_1535

Ugu dambayntii, waxa halkaasi abaalmarino isugu jira shahaadooyin iyo lacago lagu guddoonsiiyey 65 shaqaale ah oo noqday kuwii ugu shaqada fiicnaa sannadkii hore, kuwaas oo ay calanka hormoodka u qaadeen afar xubnood magacyadoodu kala yihiin; Maxamuud Axmed Meecaad oo ka tirsan Waaxda Farsamada, Caydaruus Cumar Aaden oo ka socday Waaxda Iibka, Cabdisamad Sheekh Yuusuf matalayey Waaxda Shaqaalaha iyo Shamis Cabdi Xariir oo ka mid ah Waaxda Maamulka Lacagta.

DSC_1595

Dhinaca kale, shaqaalaha Wakaaladda Biyaha ayaa iyaguna dhankooda shahaado sharafyo ku maamuusay Maareeyaha, Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda iyo Agaasimaha Waaxda Xisaabaadka waxqabadka ay hirgeliyeen dartii.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here