Maamulka Muqdisho oo Anfariir Siyaasadeed ka qaaday Aqoonsiga Somaliland ee Mareykanka

0
1833

Hargeysa (Hargeisa Press)- Warbaahin caalami ah, ayaa werisay in maamulka taagta daran ee Soomaaliya ay anfariir siyaasaddeed ka qaadeen dhaqdhaqaaqyo ka socda Mareykanka oo la xidhiidha in dowladda Madaxweyne Donald Trump ay danaynayso inay aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixin ay baahisay Jariirada The Africa Report, ayaa lagu sheegay in maamulka Muqdisho ay sas ka arradan diblomaasiyadda ay ka qaadeen aqoonsiga lagu wado Mareykanku inay ku ictiraafaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintan Jariirada, ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Donald Trump iyo maamulka Soomaaliya aanu ka dhexayn xidhiidh wanaagsani xilligan.

Warku wuxuu intaas ku daray in Dedaallada aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda Somaliland ay wadaan siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee uu Trump hoggaamiyo, kuwaasi oo sheegay in Somaliland ay tahay waddanka keliya ay ka jirto dimuqraadiyad mug lihi gobolka Heeska Aftika, isla markaana ay tahay dalka keliya ee hirgalin karta danaha Washington ee gobolkaas qalalaasuhu ka taagan yahay, maadaama ay nabad tahay, goobta ay ku taallaana ay muhiim tahay.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay ka rajo qabto in Washington ay u aqoonsato Somaliland dal madaxbannaan, iyada oo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, uu Mareykanka u tagay si uu u dardar-geliyo hawlaha aqoonsi raadinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here