Maamulka Dahabshiil Group oo kulan la-qaatay madaxda xafiiska FCDO ee UK

0
1857

London (Hargeisa Press)- Maamulka Dahabshiil Group oo uu hoggaaminayo maamulaha guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Ducaale, ayaa maanta kulan la qaatay madax ka socota xafiiska arrimaha dibadda iyo horuminta dalka UK ee Foreign, Commonwealth & Development Office,

Madaxda xafiiska arrimaha dibadda iyo horuminta dalka UK ee Foreign, Commonwealth & Development Office, ayaa kala ahaa Christopher Pycroft iyo Christina Toepell.

Kulanka waxaa diirada lagu saaray arrimaha xoojin kara koboca dhaqaalaha, shaqo abuurka, lacagta dibada ka timaada iyo maalgelinta.

Shirkadaha Dahabshiil Group waxay door weyn oo muhiim ah ka qaataan horumarinta bulshada iyo maalgalinta, waxayna soo dhaweynayaan wixii horumar u keenaya mandaqadda meel walba iyo wadan walba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here