Washington (Hargeisa Press)- Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Ducaale, ayaa ka qeybgalay shirkii 27aad ee “𝐁𝐞𝐲𝐨𝐧𝐝 𝐁𝐨𝐫𝐝𝐞𝐫𝐬”, oo lagu qabtay 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐫𝐯𝐚𝐫𝐝 ee Dalka Mareykanka, oo ka mid ah Jaamacadaha ugu wanagsan caalamka, isagoo halkaas kaga hadlay Mustaqbalka dhaqaalaha Afrika iyo doorka hal-abuurka ganacsiga.
Maamulaha guud ee shirkadda xawaaladaha Afrika ee Dahabshiil Cabdirashiid Ducaale, ayaa waxaa uu sheegay in Mustaqbalka Afrika uu ku xidhan yahay hal-abuur ganacsi iyo ka faa’iidaysiga khayraadkiisa maadi iyo dadba.
Isagoo ka hadlayay intii uu socday Shirka Ganacsiga Afrika ee Harvard, Cabdirashiid Ducaale ayaa sheegay iyadoo si xawli ah loo ballaadhinayo xoog shaqaale dhalinyaro ah, Afrika waxay haysataa fursad aan la soo koobi karin oo ay ku hogaamiso hal-abuurnimada tignoolajiyada iyo maaliyadda adduunka.
Shirkan oo loogu magacdaray “Beyond Border” ayaa kulmisay hogaamiyayaasha dhaqaalaha, iyo ganacsatada, siyaasiyiin, diblumaasiyiin, siyaasad dejiyeyaal iyo khubaro ganacsi oo Afrikaan ah oo uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Kenya Patrick Njoroge.
Waxa uu sheegay in qaybaha sida lacagaha mobilada, qaaradu ay mar hore dejisay jaangooyooyin caalami ah laakiin caqabada hadda taagan ayaa ah in la joogteeyo lana kordhiyo heerkan.
“Waa muhiim in qaarad ahaan Afrika ay la timaado istaraatiijiyado aan ujeeddadoodu ahayn in lagu horumariyo waxa la qabtay oo keliya balse sidoo kale sidii si wax ku ool ah loola jaan qaadi lahaa adduunka intiisa kale haddii aan laga gudbi karin,” ayuu yidhi Cabdirashiid Ducaale.
Cabdirashiid Ducaale, ayaa sheegay in Mustaqbalka Afrika uu ku xidhan yahay hal-abuur ganacsi iyo ka faa’iidaysiga khayraadkiisa maadi iyo dadba.
Munaasabadda, ayaa ujeedadeedu ahayd in dib loo qeexo dhaqaalaha iyo maalgashiga qaaradda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo dhismaha nidaamyada maaliyadeed ee Afrika oo dhan.
Cabdirashiid Ducaale, oo dhawaan ka qeyb galay caleema saarka madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka Donald Trump oo ka dhacay Capitol Hill bishii Janawry, ayaa lagu xujeeyay inuu ka hadlo in Afrika ay si dhab ah uga gudbi karto xuduudaha.
Waxa uu sheegay in horeba dhowr shirkadood oo bixiya adeegyo maaliyadeed sida Dahabshiil ay safka hore kaga jiraan hal-abuurnimada tignoolajiyada, iyaga oo la wareegaya qaab-dhismeed adag oo sharci ah, isla markaana ballaadhinaya helitaanka dhaqaale.
“Sida Afrika ay uga booday teleefanka dhulka si ay u qaadato isku xidhka mobaylada, isbeddelka dhaqaale ee qaaradda ayaa raacaya waddo la mid ah. Tani waa tilmaame cad in Afrika ay runtii ka gudbi karto xuduudaha,” ayuu yidhi Cabdirashiid Ducaale.
Aragtidiisa waxa ay xuddun u ahayd doorka muhiimka ah ee ka mid noqoshada maaliyadeed, tignoolajiyada, iyo u hoggaansanaanta sharciyeynta ee furitaanka awoodda dhaqaale ee Afrika.
Shirka Ganacsiga Afrika ee 2025 waxa uu ka soo qayb galayaasha ku reebay rajo ku saabsan mustaqbalka qaaradda.
Joogitaanka hoggaamiyeyaasha waaxyaha gaarka ah ee caanka ah waxay hoosta ka xariiqday awoodda baaxadda leh ee ganacsiga iyo hab-dhaqanka dhaqaale ee Afrika si loo dhaqaajiyo horumarkeeda.
Haddii doodaha Harvard ay yihiin wax calaamad ah, cutubka soo socda ee Afrika laguma xaddidi doono xuduudaheeda – laakiin waxaa lagu qeexay awoodda ay uga gudbi karto.