“Maalintaan xilka la-wareegay, waxaan nafteyda ka mamnuucay dulmiga, musuq-maasuq iyo khiyaamada”

0
1655

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa uu maanta xubnihiisa Golaha Wasiirrada u soo gaba-gabeeyay kulankii aqoon-is-waydaarsiga ahaa ee Golaha Wasiirrada oo muddo laba maalmood ah u socday.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa kulanka aqoon-is-waydaarsiga Golaha Wasiirrada waxaa uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Ugu horreyn waxa uu Madaxweynaha Somaliland, ku bogaadiyay xubnaha Golaha Wasiirrada ka qaybgalka firfircoon, maskaxda iyo wakhtiga ay geliyeen iyo nuxurka qiimaha badan ee ka soo baxay kulanka, iyo maskaxaha kala duwan ee ay isu geeyeen labadaas maalmood.

Waxa uu Madaxweynuhu xusay in labada maalmood ee uu kulanku socday ay ahaayeen laba maalmood oo lagu dejiyay sees fiican oo bar bilow u noqon doona geeddiga isbeddelka togan iyo wax qabadka ee qaranka.

Sidoo kale, waxaa uu xubnaha Golaha Wasiirrada u sheegay in waxaa ay shacabku ku doorateen aanay ahayn abaal celin ama in ay ka sareeyaan dadka kale, balse buu yidhi ay ahayd tuhun iyo dareen ay ka qabeen in ay wax ka qaban karnaan baahiyaha iyo galdaloolooyinka ay tebayaan in ay jiraan.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa uu sheegay in maalintii uu xilka la wareegay uu naftiisa ka mamnuucay dulmiga, musuqmaasuqa, khiyaamada, eexda iyo ka habrashada xaqa.

Waxaanu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu xubnaha Golaha Wasiirrada faray in ay ka dheeraadaan arrimahaas.

Hoos ka akhriso nuxurka khudbada Madaxweynaha

“Mudanayaasha Golaha Wasiirrada, Masuuliyiinta kale ee qaranka, iyo aqoonyahanka dhammaantiin asalaamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuhu.

Waxaa inoo soo dhammaaday barnaamijkii muhiimka ahaa ee u gogol xaadhka shaqada golaha wasiirrada, oo labadii maalmood ee u dambeeyey aydin u fadhideen.

Ugu horreyn waxa aan idinku bogaadinayaa ka qaybgalkaas firfircoon, maskaxda iyo waqtiga aad geliseen iyo nuxurka qiimaha badan ee ka soo baxay maskaxahaas kala duwan ee aad isu geyseen labadaas maalmood, idinka oo ka faa’idaysanaya maskaxda iyo waayoaragnimada aqoonyahankeenna.

Waxa ay ahaayeen laba maalmood oo aad dejiseen sees fiican oo aan aaminsanahay in uu bar bilow u noqon doono geeddiga isbeddelka togan iyo wax qabadka ee qarankeenna.

Waxa aad isla meel dhigteen sida ugu quruxda badan ee aynnu ku midayn karno dadaalladeenna, sidii aynu u kordhin doonno fahamkeenna iyo caqabadaha jira ee ay tahay in aynnu isu kaashanno daweyntooda, Waxaan idinka filayaa in aragtida, fahamka iyo aqoonta aad labadan maalmood isla meel dhigteen ay dhaqso uga muuqan doonaan shaqada aynnu qaranka u haynno.

Walaalayaal waxa ay umaddeenu nagu dooratay ma’aha abaal celin ama in aannu dadkeenna kale ka sarrayno, balse waa tuhun iyo dareen ay ka qabeen in aannu wax ka qaban karno baahiyaha iyo galdaloolooyinka ay tebayaan in ay jiraan.

Waa masuuliyad aad u culus, si aan taas u guto ayaan aniguna idinka idiin soo xushay in aydin noqotaan jaalkii iyo baalashii iga caawin lahaa gudashada waajibkaas culus.

Maalintaan xilkaas la wareegay waxa aan naftayda ka mamnuucay dulmiga, musuqmaasuqa, khiyaamada, eexda iyo ka habrashada xaqa. Waxa aan idinkana idin farayaa in aydin ka dheeraataan arrimahaas.

Ugu dambayntii waxa aan u mahadnaqayaa aqoonyahanka iyo culimada diinta ee labadaas maalmood waqtigooda iyo maskaxdoodaba u huray qaranka.

Waxa inoo xigaa waa in aynnu shaqo u dhaqaaqno, Waxa aanan Alle ka baryayaa in uu tubta toosa innagu hanuuniyo, innaguna garab galo gudashada xilka qaranka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here