La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee dhinaca Warbaahinta Xamse Cali Bulbul ayaa sheegay in Somaliland ay xilligan haysato fursado muhiim ah oo ay caalamka kaga hesho aqoonsiga caalamiga ah ee ay muddada dheer doonaysay.
La Taliyaha madaxweynaha ee dhinaca Saxaafaddu wuxuu shacbiga Somaliland ku booriyay inay u midoibaan sidii ay xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen dedaallada kala duwan ee ay ku hawlan tahay.
La taliyaha Madaxweynuhu wuxuu sidaas ku bayaamiyay qoraal uu soo gaadhsiiyay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, kaasi oo u qornaa sidan:-
“Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waa inay gacmaha is qabsadaan wakhtigan muhiimka ah ee ay duniddu si toos ah ugu foogan tahay garwaaqsiga qaddiyadda aqoonsiga qarannimada Somaliland oo gaadhay saaxadda caalamiga ah.
Waxa dedaallada socdaa ay Jamhuuriyadda Somaliland u horseedayaan inay noqoto dalka 55aad ee ku soo biiraya Afrika, waxana qaarada muhiim u ah inay ka faa’iidaysato Somaliland oo ah waddan dimuqraadi ah, nabdoon, oo leh macdan iyo dekado istaraataji ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa hoggaaminaya dedaalka faylka aqoonsi raadinta, isaga oo kaashanaya khibradiisa dheer ee dhinaca diblomaasiyadda.waxaanu diblomaasiyadiisa gaamurtay iyo qunyar maskax furnaantiisu ay dhalisay inuu dunida dhacsiiyo in Jamhuuriyadda Somaliland tahay “Waddan istiraatiji ah oo bogcada uu ku yaallaa dhacdo goobaha xuddunta u ah isku socodka caalamka.”
Madaxweynuhu wuxuu juhdi weyn geliyay inuu caalamka fahamsiiyo in Somaliland tahay dal dunidu u baahan tahay oo khayraadka uu qaniga ku yahay ka dhigayo dal loo baahan yahay oo aan la iska indho-tiri karin.
Maraykanka oo ah dalka hoggaamiya siyaasadda caalamka, waxa haatan ka socda dhaqdhaqaaqyo iyo dooddo waaweyn oo lagu karkarinayo aqoonsiga Somaliland.
Sidoo kalena, Mooshinno la xidhiidha aqoonsiga ay istaahisho Somaliland ayaa ka socda dalalka reer galbeedka, waxaana ka mid ah dalalkaas Boqortooyada Ingiriiska oo door weyn ka qaadaneysa arrintaas.
Waxaan leeyahay shacabka Somaliland ee samirka badan, waa sebbankki aad guran lahaydeen midhihii guusha iyo adkaysiga qarannimadiinna oo guuxeedii iyo ifafaalaheedii fooda ina soo saartay.
Sida uu hore u sheegay Madaxweynaheennu, waa inaynu u midownaa, si wadajir ahna loo taageeraa Xukuumadda iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ay wax kaga qabanayso horumarinta dalka iyo kasbashada aqoonsiga Somaliland gaawaha u culanaysay in ka badan 30ka sannadood.
Fursaddaha ay haysato Somaliland xiligan ayaa ah qaar muhiim ah, maadaama oo uu majaraha inoo hayo hoggaamiye ay si mug leh ugu baxsan tahay diblomaasiyadda iyo geedi-socodka aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Siyaasadda Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Cirro, waxa sal iyo baarba u ah in Somaliland hesho aqoonsi buuxa, dadkeeduna horumar ku gaadhaan, iyada oo la adeegsanayo xeelado diblomaasiyaddeed oo ku dhisan wax wada qabsi iyo iskaashi ku sallaysan is ixtiraam taabogal ah.”

















