“KULMIYE aragti iyo faham kama haysto difaaca qaranka ee uu doonayo”

0
1362

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa ku eedeeyay xisbiga KULMIYE in aanu aragti iyo faham ka haysan difaaca qaran Somaliland.

Xoghayaha xisbiga Waddani oo qoraal ku baahiyay boggiisa baraha bulshada oo ay soo xigatay Shabakada HargeisaPress, ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye ka noqday ka qaybgalka dood ku saabsanayd difaaca qaranka oo ay shaqsiyaad aqoonyahan ahi u soo agaasimeen saddexda Xoghayhe guud ee xisbiyada qaranka.

Wuxuu sheegay in xisbiga Kulmiye uu horre u aqbalay ka qayb galka martiqaadka doodaas aqoonyahanku saddexda Xisbi qaran u ku martiqaadeen.

“Waxa aan ka xumahay in lanagu wargeliyey in Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE uu ka noqday ka qaybgalka, dood ku saabsanayd ‘Difaaca qaranka’ oo ay aqoonyahan muwaadiniin ahi u soo agaasimeen saddexda Xoghayhe guud ee Xisbiyada qaranka , horrena uu KULMIYE u aqbalay.” ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

Waxaa uu intaasi raaciyay, “Siyaasaddu waa dood, isqancin iyo in aad dadweynaha iyo daneeyeyaasha kale ee qaranka u soo bandhigi karto siyaasadahaaga iyo aragtida aad ku salaynayso go’aamadaada.”

Xoghayaha, ayaa sheegay in KULMIYE aanu aragti iyo faham ka haysan difaaca qaran ee uu doonayo, iyo sida uu doonayo in uu uga midho dhaliyo, si aanay u dhicin buu yidhi dhibaatadii ay farsamo xumadiisu hore u sababtay.

“Waxa ay ka marag kacaysaa, marka laga tago ereyga ‘Qarankaannu difaacaynaa’ in KULMIYE aanu aragti iyo faham ka haysan difaaca qaran ee uu doonayo, iyo sida uu doonayo in uu uga midho dhaliyo, si aanay u dhicin dhibaatadii ay farsamo xumadiisu hore u sababtay.” ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in xisbiga Waddani ku kalsoonahay in difaaca qaranka uu saldhiggiisu yahay dib u midaynta muwaadiniinta uu KULMIYE kala irdheeyey.

“WADDANI waxa uu ku kalsoonahay in difaaca qaranka uu saldhiggiisu yahay dib u midaynta muwaadiniinta uu KULMIYE kala irdheeyey. Waayo, Qaran gudaha ka midaysan baa iska difaaci kara, cadow dibadda kaga yimi.” ayuu raaciyay.

Xoghayaha xisbiga Waddani, ayaa wuxuu sheegay in ay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin inay xisbiga Kulmiye ay dood dadweynaha hortiisa ah kala yeeshaan aragtidayada difaaca qaranka iyo ilaalinta qarannimada.

“Waxa aannu weli diyaar u nahay, in aannu xisbiga KULMIYE dood dadweynaha hortiisa ah kala yeelanno aragtidayada difaaca qaranka, iyo ilaalinta qarannimada oo ah tiirka Koowaad ee barnaamij-siyaasadeedkayaga.” ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here