Gabiley,(HargeisaPress)– Magaalada Gabiley waxaa maanta ka qabsoomay kulan muhiim ah oo lagaga hadlayay horumarinta waxbarashada dugsiyada hoose dhexe.
Kulankan ayaa ka dhacay Maktabadda Qaranka ee Gabiley, waxaana ka soo qaybgalay Maayarka Degmada Gabiley Mudane Cabdirashiid Haybe Faarax (Daacad), Gudoomiyaha Waxbarashadda Degmada Fadxiya, Bare Sare Caydaruus Xaamud, iyo maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee magaalada.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarasho ee dugsiyada.