Kulan loogu ducaynayo Hoggaamiyihii ururka Xamaas oo lagu qabanayo magaalada Hargeysa

0
2458

Hargeysa (Hargeisa Press)- Kulan loogu ducaynayo allah ha u naxariistee hoggaamiyihii ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya, ayaa lagu qabanayaa magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

Ismaaciil Haniyeh, ayaa subaxnimadii hore ee Arbacada ee toddobaadkii hore lagu dilay dalka Iran, kadib markii weerar ay Israa’iil ku qaadday gurigii uu ka deganaa magaalada Tehran.

Hadaba, kulan balaadhan oo loogu ducaynayo allah ha u naxariistee hoggaamiyihii ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya, ayaa habeen dambe lagu qabanayaa Hutel ku yaalla magaalada Hargeysa.

Kanka ducada ah, ayaa waxaa ka qayb galaya madax ka tirsan xukuumadda Somaliland, Culimada waa weyn ee dalka iyo masuuliyiin kala duwan oo bulshada magac ku leh.

Culimada ka qayb galaysa kulanka loogu ducaynayo waxaa ka mid ah, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed, Sheekh Maxamed Aadan, Sheekh Maxamuud Guuleed, Sheekh Almis Yaxye, Sheekh Maxamed Cali Biixi iyo Culimaa’udiin kale.

Kulanka ducada, ayaa waxaa dhinaca xukuumadda Somaliland uga qayb galaya Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

Allah ha u naxariistee Hoggaamiyihii ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya, ayaa galabnimadii Khamiista lagu aasay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Salaadda Janaasada ee marxuunka, ayaa lagu oogay Masjidka Imam Muxammed bin Cabdul Wahhab oo ah kan ugu weyn dalka Qadar, waxaana markii danbe lagu aasay qabuuraha ku yaalla deegaanka Lusayl ee waqooyiga magaalada Dooxa.

Ismaaciil Haniyeh oo deganaa dalka Qatar, ayaa ahaa wejiga diblomaasiyadda ee Xamaas, isaga oo ururkaas ku metelayey fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Haniyeh, oo 62 jir ah, waxa uu ahaa xubin caan ka ah dhaq-dhaqaaqa Xamaas ilaa dabayaaqadii 1980-aadkii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here