Gar-adag (HP): Degaanka Fadhi-gaab, ee gobolka Sanaag ayaa maanta lagu qabtay kulan lagaga arrinsanayay adlaynta nabad-geliyadda.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, iyo maamulka degmada Gar-adag, cuqaasha iyo waayeelka ayaa si wada jira uga hadlay xaalada nabad-gelyo ee magaalada Fadhigaab.
Axmed Cabdi Muuse guddoomiyaha gobolka Sanaag, ayaa bulshada degaanka Fadhigaab ku booriyay adkaynta nabadgeliyada iyo sidii ay maamulka iyo waxgaradka ugala shaqaynlahaayeen ammaanka.
Geestooda maamulka iyo waxgaradka degmada Gar-adag ayaa bulshada degaanka Fadhigaab ku waaniyay inay ilaashadaa nabadgeliyada.
Madaxdan iyo masuuliyiintan ayaa bulshaweynta degaanka Fadhigaab ku ammaanay sida ay markasta heeganka ugu yihiin ilaalinta nabadgeliyadda.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.