Kulan Dhexmaray Wasiirka Degaanka iyo Guddi Hoosaadka Khayraadka Wakiiladda

0
506

Hargaysa (HP): Guddi hoosaadka khayraadka Dabiicia ah ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta xafiiskiisa kulan la yeeshay wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.
Kulankaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay qaar ka mida agaasime-waaxeedyadda wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.


Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha noocyadda khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland iyo doorka wasaaradda deegaanka ee ilaalinta ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.
Kadib markii kulankaasi dhamaaday ayaa waaxda warfaafinta ee wasaaradda deegaanku waxay baahiyeen qodobadii shirkaasi la iskula soo qaaday iyo waxyaabihii ay labadda dhinac iskula qaateen.

Waxaana ka mid ahaa:

1. Sidii Golaha wakiilada iyo Wasaaradda deegaanka ugu wada shaqeyn lahaayeen Sharciyada khuseeya ilaalinta Deegaanka.
2. Sidii xeerarka ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta waxka bedel iyo kaabis loogu samayn lahaa.
Waxa kaloo Shirkan lagaga wada hadlay guud ahaan sidii loo wada ilaalin lahaa Khayraadka Dabiiciga ah ee Waddanku leeyahay
Waxaana ugu danbeyntii laysla qaatay In Golaha Wakiilada Wasaaraddu ka wada Shaqeeyaan waxkasta oo Faaiido u keenayaa Deegaanka si wada jirana looga hortago. Dhibaatooyinka Deegaanka
Waxaana loo balamay in kulamo kale oo lagu dardargelinaayo Shaqooyinkan layskugu yimaado Maalmaha soo socda.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here