Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Jawhar Siciid Warsame, oo uu weheliyo Agaasimaha guud, Maxamuud Xuseen Aadan, ayaa maanta la kulmay wefti ka socda Ururka Ganacsatada Taiwan oo uu hoggaaminayey Ms. Alyne Chen.
Kullanka oo ay ka qayb galeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, ayaa lagaga hadlay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Somaliland iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.
Intii uu socday kullanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray maalgashiga dhinacyada sida kalluumaysiga, sifaynta biyaha, caafimaadka xoolaha, taageerada ganacsiyada yaryar iyo horumarinta warshadaha elektarooniga.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku waxay muujisay sida ay uga go’an tahay dhiirrigelinta maalgashi caalami ah oo waxtar u leh kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dalka, iyadoo si diirran u soo dhoweysay wafdiga Taiwan.

















