Kulan Dhexmaray Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL iyo Safiirka Ethiopia U Fadhiya Somaliland

0
308

Hargaysa (HP): Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani, ayaa maanta taliska Guud ee Ciidanka Qaranka JSL ee Hargaysa ku qaabilay safiirka dawladda Ethiopia, u fadhiya Somaliland.

Kulankaasi waxaa taliye Taani, iyo safiirka Ethiopia, ee Hargaysa Ambassador Dalil kadir Bushra, ku wehelinayay u qaybsanaha difaaca (Military attache), ee safaaradda Ehtiopia, ee Hargaysa.


Taliyaha Ciidaanka Qaranka Somaliland iyo safiirka Ethiopia ee u fadhiya Somaliland ayaa kulankaasi waxay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Amniga, ee labada wadan.

U jeedadda kulankaasi ayaa lagu sheegay in ay ahayd mid isbarasho, maadaama oo safiirka Ethiopia, ee Hargaysa, u jooga ay dhawaan soo magacawday dawladda Ethiopia.

Sidaasi na waxaa lagu sheegay war kooban oo qoraal ah oo laga soo saaray kulankaasi maanta dhex maray taliyaha ciidamadda qaranka JSL iyo safiirka cusub ee ay dawladda Ethiopia, dhawaan soo magacawday.


Geesta kale kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa xubno ka mida saraakiisha ciidamadda qaranka Somaliland, kuwaasoo qaarkood ay hore tababaro sare ugu soo qaateen dalka Ethiopia.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here