London (Hargeisa Press)- Waxaa magaalada London ee cariga dalka boqortooyada Ingiriiska ka dhacay kulan ballaadhan oo ay soo qaban-qaabisay Safaaradda Somaliland ee UK.
Kulankan, ayaa waxaa uu ka qabsoomay xarunta safaaradda Somaliland ay ku leedahay magaalada London.
Kulanka, ayaa waxaa uu dhexmaray diblomaasiyiin iyo masuuliyiin ka socota Safaaradda Somaliland ee dalka Ingiriiska iyo Diblomaasiyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska.
Sidoo kale, waxaa kulanka ka qayb galay oo goob joog ka ahaa Masuuliyiin xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland, Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka Somaliland iyo masuuliyiin ka socotay golaha deegaanka ee magaalada Berbera oo uu horkacayo Maayar ku xigeenka magaalada.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb-galay haldoorka Jaaliyaddaha Somaliland ee ku dhaqan dalka Boqortooyada Ingriiska.