Kulan dhexmaray Ergayga wadahadallada Somaliland iyo Qunsulka Turkiga

0
1886

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa kulan la qaadatay diplomaasiga ugu sarreeya Safaarada Turkiga ee magaalada Hargeysa.

Kulankan, labada dhinac, ayaa ka dhacay xarunta guud ee Safaarada Turkigu ku leedahay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Edna Aadan iyo Qunsulka Turkiga, ayaa si qoto dheer uga wadahadlay, sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Somaliland iyo Turkiga, heshiiskii isfaham ee ay Somaliland la gashay Itoobiya, arrimaha siyaasadda dalka iyo xiisadda ka soo korodhay gobolka Geeska Afrika.

Ergayga, ayaa la wadaagtay Qunsulka Turkiga, walaaca ay Somaliland ka qabto arrimo saamayn kara xidhiidhka labada dowladood ee Turkiga iyo Somaliland.

Waxay isla qaateen labada dhinac in la xoojiyo xidhiidhka iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa Somaliland iyo Turkiga, isla-markaana meel looga soo wada jeesto wixii wax u dhimaya xidhiidhka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here