Khilaaf cusub oo ka dhex qarxay Trump iyo saaxibkiis Elon Musk

0
585

Maalqabeenka Maraykanka ah ee Elon Musk ayaa cambaareeyay saxeexa Madaxweyne Trump ee nidaamka cashuuraha oo uu ku tilmaamay in uu yahay wax laga yaqyaqsado.

Aqalka Wakiillada bishii hore ayaa waxaa uu ansixiyay miisaaniyadda cashuur goynta oo gaadhaysa trillion Doollar iyo kharashaad badan oo ku baxaya difaaca yo weliba nidaamyo dawladda Maraykanka u oggolaanaya inay amaahato lacago badan.

“Ceeb baa u sugnaatay kuwii u codeeyay,” ayaa Musk uu ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa X isaga oo ka hadlaya nidaamka ajandaha madaxweynaha marka labaad soo laabtay ee Trump.

Maalqabeenkan Maraykanka ah ayaa si lama filaan ah uga tagay maamulka todobaadkii hore kaddib markii 129 maalmood uu ka shaqaynayay siu u u dhimo kharashaadka kooxdiisa, oo loo yaqaan Doge.

Elon Musk qorshaha madaxweyne Trump ee dhimista canshuuraha iyo kharashaadka ku tilmaamay “wax laga xumaado” oo kordhinaya deynta Mareykanka ilaa $2.5 trillion. Isaga oo ballanqaaday inuu ka hor imaan doono qorshahan.

Arrimaha ka xanaajiyay Musk waxaa ka mid ah xakameynta hawada ee Maamulka Duulista Hawada ee Federaalka (FAA), sida uu qabo Axios . waxa haatan labadan Nin ka muuqda iska horimaadka danaha. Elon Musk waxa aad loo xasuustaa sidii uu ugu ololeeyey Trump, waxaana uu ku bixiyey adduun aad u fara badan.

Qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta ayaa soo dhaweeyay faallooyinka Musk inkasta oo ay hore u dhaleeceeyeen isaga iyo shaqada Doge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here