Kenya oo Laga Helay Kiiskii Ugu Horreeyay Ee fayraska Corona

0
1701

Nairobi (Hargeisa Press)- Dowladda Kenya ayaa mamnuucday dhammaan dhacdooyinka waa weyn ee bulshada ay isugu yimaadaan kadib markii dalkaas laga xaqiijiyey kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah oo lagu arko Bariga Afrika.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in kiiska laga helay haweeneyn Kenyan ah oo kasoo laabatay dalka Mareykanka.

Kenya, oo ah dalka ugu hodansan gobolka, islamarkaana xarun u ah shirkado caalami ah iyo hay’adaha QM, ayaa ah dalkii 11-aad ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee laga helo Coronavirus.

Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay, in kasta oo isu-imaatinada dadweynaha la mamnuucay, haddana iskuulada ay sii furnaan doonaan.

Waxyar kadib markii lagu dhowaaqay warkan, ayaa shacab badan waxay billaabeen inay dukaamada tagaan, si ay usoo iibsadaan kiimikada gacanta nadiifisa.

Kagwe ayaa sheegay in haweeneyda laga helay cudurka xalay la dhigay xarunta caafimaad ee ugu weyn dowladda ee Kanyatta National Hospital.

Haweeneydan oo 27 jir ah ayaa xaaladeedu ay degan tahay, waxaana hoos u dhacay heer kulkeeda oo caadi kusoo noqday, sida uu sheegay wasiirka.

“Lama sii dayn doona illaa laga waayo fayruska,” ayuu yidhi wasiirka.

Dowladda Kenya ayaa billowday inay daba gasho dhammaan dadka la rumeysan yahay inay haweeneydan xidhiidhka la sameeyey, oo ay ku jiraan dadkii diyaaradda la saarnaa ee dalka soo galay.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here