John Cena oo ka fadhiistay ciyaaraha musaaracada ee WWE

0
603

Jilaaga iyo ciyaaryahanka legdanka ama musaaracada John Cena, ayaa ku dhawaaqay in uu hawlgab ka noqon doono u tartamida horyaalka aduunka ee legdanka ama musaaracada ee WWE.

John Cena, ayaa dhawaaqan la yaabka ah jeediyay mar uu ka soo muuqday bandhigga lacagaha baanka ee WWE oo lagu qabtay dalka Canada.

47 jirkan, oo ciyaarta legdanka bilaabay 18 sano kahor, ayaa sheegay in kulankiisa ugu dambeeya uu safan doono 2025, kulan sagootin ah oo loo sameyn doono.

Cena, ayaa loo arkaa mid kamid ah xidigihii ugu waaweynaa ee soo mara ciyaarta musaaracada taariikhda, wuxuna 16 jeer ku guuleystay horyaalnimada WWE tan iyo markii uu ku soo biiray 2001.

‘’Caawa si rasmi ah ayaan ugu dhaawaqayaa inaan ka fadhiistay WWE,’’ ayuu u sheegay taageerayaashiisa oo la amakaagay go’aankiisa, markii dambese ku qaylinayay ‘’mahadsanid Cena’’.

Isna waxa uu ku jawaab celiyay ‘’ yaa qiyaasi kara naxariistooda,’’

Isagoo xidhan funaanad lagu xardhay ‘’waa xiligii ugu dambeeyay hadda’’ iyo astaantiisa ganacsi, waxa uu u mahad celiyay taageerayaasha WWE oo uu sheegay inay u muujiyeen kalgacal badan sanadihii badnaa ee uu ciyaarayay.

Shir jaraa’id oo uu qabtay mar dambena waxa uu sheegay in uu jecel yahay in uu qayb ka sii ahaado qoyska ciyaaraha legdanka, inkastoo jidh ahaan uu dareemayo in la joogo wakhtigii dhammaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here