Hargaysa (Hargeisa Press): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in dhismaha jidka isku xidhaya magaalooyinka Tog-Wajaale iyo Berbera ee Berbera Corridor uu kor u qaadayo istaraatijiyadda dhaqaale ee mandqadda, kaasoo mustaqbalka ka dhigaya Berbera in ay qayb weyn ka qaadato tartanka ka dhexeeya dekedaha Geeska Afrika.
Muuse Biixi Cabdi, oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasibad balaadhan oo lagu dhagax dhigayay waddada casriga ah ee Berbera Corridor oo lagu qabtay duleedka Bari ee magaaladda Hargaysa, waxa kaloo uu sheegay dhismaha jidkani uu ku yimid deganaanshiyaha Somaliland, isku duubnidda shacabka iyo dimoqraadiyadda ka hirgashay jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale madaxweyne Biixi, ayaa tilmaamay in balaadhinta dekadda Berbera ay si weyn hoos ugu dhigayso shaqo la’aanta dhallinyarada, iyadoo uu kordhi doono mugga ganacsiga, qalabka iyo allaabta ganacsiga ee u kala gudbaysa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in degenaanshaha iyo Dimuqraaddiyadda ka hirgashay Somaliland ay horseedday in laga maalgeliyo mashruucan miisanka badan, isla markaana ay Berbera kaalin muhiim ah ka ciyaari doonto tartarka ka dhexeeya dekedaha geeska Afrika.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa kaloo uu sheegay inay Somaliland ka go’an tahay sidii ay usoo dhaweyn lahayd dalalka deriska iyo kuwa kale ee saaxiibka la ah Somaliland, isla markaana ay soo dhawanayso cidkasta oo diyaar u ah isticmaalka dekedda Berbera iyo goobaha kale ee Somaliland ku yaalla ee muhiimka ah.
Mashruuca Berbera Corridor, ayaa ka kooban jid dhererkiisu dhan yahay 250KM, dhismaha Toddoba Buundo (Brigdes). iyadoo dhismaha jidkaasi ay ku bixi doonto lacag lagu qiyaasay boqol milyan oo dollar in ka badan.
Dhisaha iyo casriyeynta madaar loogu talo galay diyaaradaha shacabka iyo mashaariic kale oo tiro badan. Waxaanu socon doonaa muddo ka yar laba sanno, sida uu qorshuhu yahay.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.