Addis Ababa (HargeisaPress) – Jeneraalkii ugu sareeyay ciidamada Itoobiya qeybtooda Koonfureed ee fadhigiisa ahaa magaalada Harar ayaa ku geeriyooday dalka Thailand.
Sida ay ehelka jananka xaqiijiyeen ayaa waxa uu u dhintay xanuunka Kansarka oo kaga dhacay sanbabada.
Jeneraal Gabre ayaa aad caan uga ahaa dhulka Soomaalida Itoobiya , isaga oo sidoo kale mas’uul ka ahaa hawlgaladii ciidamada Itoobiya ay ka sameeyeen Soomaaliya sannadkii 2007-dii.
Waxa uu ka mid ah taliyeyaashii xilka ciidanka ka fadhiistay markii uu isbadelka ka dhacay dalka Itoobiya.
HargeisaPress News Desk