Hargeysa,(HargeisaPress) —Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo saaka kalfadhi iskugu yimi si ay u ansixiyeen miisaaniyadd sanadeedka 2017-ka oo muddo hor taalay golaha oo loosoo gudbiyey ayaa waxa kalfadhigaasi markii la bilaabay ka doodida miisaaniyadda waxa ka dhashay buuq iyo sawaxan cirka isku shareeray isla markaana sababay inay xildhibaanada golaha wakiiladu mid mid isku qabsadaan.
Waxaana dagaal gacan ka hadal ah uu dhex maray qaar kamida xildhibaanada golaha wakiilada ee ka doodayay ansixinta miisaaniyadda sanadka 2017-ka.
Jawiga golaha oo cakirmay isla markaana uu hadheeyey buuq,sawaxan iyo xildhibaanada oo mid mid isku qabsaday awgeed ayaa hakad la galiyey ka doodida miisaaniyad sanadeedka 2017-ka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka jawigii golaha ee maanta iyo dagaalkii dhex maray xildhibaanada.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa