Jabuuti oo sheegtay in aanay Itoobiya siineyn Deked ay maamulkeeda yeelato

0
2158

Djibouti (Hargeisa Press)- Dowladda Jabuuti, ayaa sheegtay in aanay Itoobiya siineyn deked ay 100% maamulkeeda yeelato, balse ay rabaan in ay wada maamulaan.

Wasiirka arrimaha Dibedda Jabuuti Maxmuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in ay rabaan in heshiis ganacsi ay Itoobiya kula galaan dekeda Tojora, oo ay hore u sheegtay in ay Itoobiya si buuxda ugu wareejinayso.

Waxaa uu sheegay in 60 milyan oo dollar ay ku baxday dhismaha dekeda Tojora, balse aanay bixin karin mushaharka shaqaalaha ka hawlgala, sidaas darteedna ay rabaan in ay ka dhigaan deked ganacsi, si ganacsiga Itoobiya aanu ugu wareegin Somaliland iyo Eriteria.

Wasiirka arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa hore u sheegay in ay Itoobiya siinayaan deked ay 100% maamulkeeda yeelato, si loo dajiyo khilaafka ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Hase yeeshee, Wasiirka arrimaha Dibedda Jabuuti, ayaa waxa uu dhawaan sheegay in aanay Itoobiya siin doonin saldhig badeed, balse ay iyagu yihiin ganacsato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here