Jaamacadda Hargeysa oo daah-furtay Siyaasadda Darajeynta Aqooneed ee Macalimiinta Jaamacadda

0
873

Hargeysa (Hargeisa Press)- Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa maanta lagu qabtay hoolka cilmi-baadhista ee Jaamacadda Hargeysa, iyadoo si rasmi ah loogu shaaciyay siyaasadda derajeynta-aqooneed ee macalimiinta Jaamacadda.

Munaasabaddan, ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday wasaaradaha dowladda, xubnaha Guddiga Sare iyo Senate-ka Jaamacadda, hay’adaha bulshada rayidka ah, iyo xarumaha aqooneed ee xidhiidhka la leh Jaamacadda.

Waxaa munaasibadda furay Wasiirka Waxbarashada Somaliland, kaas oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam rasmi ah oo lagu kala saaro macalimiinta kaas oo ku saleysan aqoontooda, kartidooda cilmiyeed, iyo waxtarkooda bulsho. Waxa uu sheegay in nidaamkan cusub uu yahay mid mudnaan gaar ah siinaya tayada iyo horumarka shaqsiyeed ee bareyaasha jaamacadaha.

Kadib furitaanka, waxaa la jeediyay warbixin sharaxaad ballaadhan ka bixisay siyaasaddan cusub oo uu soo bandhigay Guddoomiyaha Guddidii diyaarisay siyaasadda, isagoo si cad u qeexay geeddi-socodkii loo maray diyaarinteeda, heerarka kala duwan ee ay soo martay, iyo sida ay ula jaanqaaddayso nidaamyada caalamiga ah ee derajeynta-aqooneed.

Mudane Khaalid Axmed Cabdi oo bixinayay sharaxaadda siyaasaddu, waxa uu xusay in siyaasaddan ay ka qayb qaadan doonaan guddi kala danbeeya oo hubinaya hufnaanta iyo cadaaladda go’aamada la gaadhayo.

Waxaa sidoo kale madasha hadal ka jeediyay macalin Cabdisamad Maxamed oo matalayay bareyaasha Jaamacadda Hargeysa, kaas oo muujiyay sida tallaabadan ay muhiim ugu tahay barayaasha Jaamacadda, siiba kuwa horumariya aqoontooda, islamarkaana saameyn wanaagsan ku leh bulshada. Waxa uu xusay in ay tani tahay fursad ay macalimiintu ku helayaan aqoonsi rasmi ah oo waafaqsan dedaalkooda.

Guddoomiye ku-xigeennada Jaamacadda Dr. Cabdirashiid Ismaaciil iyo Dr. Fuaad Obsiiye ayaa iyaguna si qoto dheer uga hadlay dhinacyada muhiimka ah ee siyaasaddani ay xoojin doonto, oo ay kamid yihiin tayeynta waxbarashada, kobcinta cilmi-baadhista, kor u qaadidda waxtarka bulshada, iyo dhiirigelinta macalimiinta waxtarka leh.

Waxaa kale oo ay sheegeen in nidaamkani uu noqonayo mid dhiirigeliya tartan caafimaad qaba iyo horumar joogto ah oo ku saleysan waxqabad dhab ah.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Maxamed Axmed Sulub oo khudbad weyn ka jeediyay xafladda ayaa muujiyay sida ay siyaasaddani u waafaqsan tahay qorshaha guud iyo himiladda Jaamacadda ee ku saleysan in la noqdo xarun cilmi ku hogaamisa dalka iyo gobolkaba.

Waxa uu xusay in siyaasaddani ay dhiirrigelinayso cilmi-baadhisyadda,  kor u qaadayso tayada waxbarashada, iyo in lagu tartamo wax u qabashadda bulshadda.

Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jaamacadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa si gaar ah u bogaadiyay guddida hawshan diyaarisay, isaga oo tilmaamay in arrintani tahay mid muujinaysa isbeddel dhab ah oo ka socda Jaamacadda Hargeysa, isla markaana waafaqsan baahida dalka ee ah in la helo nidaamyo tayo leh oo lagu horumariyo waxbarashada sare.

Munaasabadda waxa si rasmi ah usoo gunaanaday Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta Sare ee Somaliland. Waxa uu si gaar ah u adkeeyay doorka Jaamacadda Hargeysa ee ah in ay noqoto hormuudka siyaasadaha tayeynta waxbarashada sare, isagoo xusay in horumarka la arkayo maanta uu caddeyn u yahay koritaanka joogtada ah ee jaamacadda.

Daahfurka siyaasaddan derajeynta aqooneed ee macalimiinta Jaamacadda Hargeysa waxay noqonaysaa halbeeg cusub oo dhiirrigelinaya horumarka tacliinta sare ee dalka.

Tani waa tallaabo rasmi ah oo ay Jaamacaddu ku muujinayso hoggaamin muuqda, iyadoo dhiirrigelinaysa waxqabad, cilmi-baadhis, iyo adeeg bulsho oo tayo leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here