Washington DC, (HargeisaPress) —Wakiilka Somaliland Rashid Garuf iyo Jaaliyada Somaliland ee Washington DC waxay qado Sharaf u sameeyeen Af-hayeenka Madaxwaynaha Somaliland Mudane Ahmed Suleiman Dhuxul.Waxa halkaa ka hadlay odoyaasha jaaliyada oo ku soo dhaweeyey magaalada Washington Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Saleebaan dhuxul.
Soo dhawaynta ka dibna waxa hadalka la wareegay wakiilka Somaliland mudane rashiid garuf oo jaaliyada uga mahadnaqay isku duubnida iyo wada jirka ay marwalba la barbartaagan yihiin madaxda dalka sidoo kalena ku soo dhaweyey hadalka afhayeenka madaxweynaha md. Dhuxul oo isna hadal ka jeediyey madashaasi ayaa ugu horayn u mahadnaqay jaaliyada reer Washington DC iyo sidii loogu soo dhaweeyey dalka Maraykanka.
Waxaanu warbixin ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo halka uu marayo hada iyo doorka ay ku leeyihiin ka jaaliyad ahaan iyada oo beryahan dalku indhaha ku hayo dhaq-dhaqaaqa jaaliyadaha maraykan iyo Canada oo la soo baxay dedaal iyo karti dheeriya, oo shacbiga Somaliland la dhacsan yihiin, sida ay hawlaha u wadaan.
Waxaanu kula dardaarmay afhayeenku jaaliyada inay ogsoonaadaan in dalku soo eegayo waxbadkooda iyo doorka dib u dhiska wadooyinka, caafimaadka iyo waxbarashadaba, oo buu yidhi aad runtii ku amaanantihiin ka jaaliyad ahaan.
Safarka afhayeenku ku maraayo Dalka maraykanka ayaa la xidhiidha martiqaad rasmiya oo uu ka helay dalalka Canada oo uu kala qaybgalay xuskii 18-may jaaliyaha ku kala dhaqan Canada, isaga oo uga soo gudbay Dalka maraykanka oo uu hada ku sugan yahay casuumado iyo martiqaadyo dhawrana ka helay jaaliyadaha ku dhaqan 4 magaalo oo ay ugu horayso Washington, afhayeenka oo ku sugnaan doona dalka maraykanka maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu kulamo muhiima la yeesho, odayaasha, aqoon yahanka, waxgaradka iyo muwaadiniinta ku dhaqan magaalooyinka lagu casuumay.
Washington DC
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com