Itoobiya oo sheegtay in heshiiska Somaliland aasaaskiisu yahay wax is dhaafsi

0
5227

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha cusub ee Itoobiya Taye Atske Selassie, oo hore u ahaa wasiirka arrimaha dibedda dalkaasi, ayaa sheegay in heshiiskii isfaham ee Itoobiya la gashay Somaliland uu yahay mid ay kaddin baddeed ku doonayaan oo aasaaskiisu yahay wax is dhaafsi laba dhinac ah iyo masaalix wadaag.

Taye Atske Selassie, wuxuu hadalkan ka sheegay fadhi wadajir ah oo ay labada aqal ee Baarlamaanka iyo Federaalku ay ku ansixinayeen madaxweynaha cusub ee Itoobiya oo xilkaas loo dhaariyay isla maantaba.

Wuxuu tilmaamay in heshiiska is-faham ee ay wadagaleen Somaliland aasaaskiisu jidaynayo dedaalada ay ku heli karaan kaddin baddeed, kaasi oo ku sallaysan masaalix wadaag laba geesood ah.

“Itoobiya waxa ay Somaliland la saxeexatay heshiis is-afgarad ah oo ku dhisan faa’iido labada dhinac ah, ayuu yidhi Taye, waxaanu intaas ku daray in Itoobiya ay ilaa hadda xalisay xiisadda diblomaasiyadeed.

Wuxuu sheegay in guul la taaban karo la diiwaan geliyay oo la xidhiidha heshiiska is-faham ee Somaliland iyo Itoobiya, iyadoona buu yidhi xidhiidhka Shiinaha uu sare u qaaday dhammaan iskaashiga istaraatiijiyadeed ee cimilada.

Madaxweynaha cusub ee Itoobiya wuxuu iftiimiyay in dalkiisu indho gaar ah u leeyahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga ay la yeelanayaan xulafada Itoobiya iyo derisyadooda.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday hawlaha faraha badan ee socda ee lagaga hortagayo khilaaf diblumaasiyadeed oo aan loo baahnayn oo ka dhashay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweynaha, ayaa xaqiijiyay in Itoobiya ay ka go’an tahay ilaalinta iyo xoojinta xidhiidhka iskaashi ee ay la leedahay dalalka deriska ah si loo xaqiijiyo horumar iyo barwaaqo la wadaago.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay kaalin weyn ka qaadaneyso nabadeynta Geeska Afrika, gaar ahaan wax ka qabashada colaadaha ka taagan Suudaan.

Itoobiya waxa ay wadday dadaallo guul leh oo ay ku doonayso in ay kor ugu qaaddo xidhiidhka ay la leedahay waddamada Geeska Afrika, iyada oo ujeeddadeedu tahay in ay ilaaliso danaheeda, ayuu xusay.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu xusay dedaallada diblomaasiyadeed ee cad iyo joogtada ah ee ay Itoobiya ku doonayso inay ku sugto nabadda iyo ammaanka gobolka, iyo sida firfircoon ee ay uga qaybqaadanayso abuurista xasillooni waarta oo ka dhacda Geeska Afrika.

Dhinaca xidhiidhka labada dal, Taye waxa uu kalsooni ka muujiyay in Itoobiya ay xidhiidh adag la samaysato dowladaha leh awoodaha siyaasadeed, ciidan iyo dhaqaale ee dalalka khaliijka.

Madaxweynaha cusub ee la magacaabay, ayaa carabka ku dhuftay dadaalka Itoobiya ay ugu jirto xoojinta isbaheysiga istiraatiijiga ah iyo abuurista iskaashi cusub.

Itoobiya waxay sii wadi doontaa iskaashiga ay la leedahay Midowga Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo diiradda saaraysa xoojinta xidhiidhka qotoda dheer ee ay la leedahay xulafadeeda iyo saaxiibadeeda, ayuu ku nuuxnuuxsaday.

Waxa uu sheegay in dadaalka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Itoobiya ay ku balaadhinayso saaxiibadeeda iyo xulafadeeda ay sii ahaan doonaan mudnaanta koowaad.

Somaliland iyo Itoobiya, ayaa 1dii January 2024 wada galay heshiis isfaham oo la xidhiidha in Somaliland ay 20km oo xeebteeda ah ka kirayso Itoobiya, si ay uga samaysato saldhig millateri oo badda ah. Waxa heshiiskaasi jidaynayaa in Itoobiya noqoto dalka koowaad ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland.

Labada dowladood, ayaa sheegay in la dhammaystiray qoddobada farsamo ee iskaashigaas taariikhiga ah, waxa ay caddeeyeen in dhawaan heshiiskaas si rasmi ah ay qalinka ugu duugi doonaan Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here