Itoobiya oo jawaab adag ka bixisay hadallo kasoo yeedhay Madaxda Soomaaliya

0
7516

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay hadallada aan loo meel dayin ee mas’uuliyad-darrada ah ee ka soo yeedhay madaxda Soomaaliya oo marar kala duwan isku dayay inay dafiraan doorka muhiimka ah ee ay Itoobiya ku leedahay dib u dhiska Soomaaliya.

Itoobiya, ayaa sidoo kale sheegtay in aanay dheg jalaq u siin doonin eedaymaha iyo dhalleecaynta uga imanaya Soomaaliya isla markaana ay sii wadayso taageerada walaalaha Soomaaliya si ay u helaan nabad waarta.

War-saxafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya Nebiyu Tedla, ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay Itoobiya ka walaacsan tahay hubka ku soo qulqulaya Geeska Afrika iyo weliba xaaladda colaadeed ee ka taagan Badda Cas.

Warka Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Itoobiya si dhow ula socoto hadalada kicinta ah ee soo noqnoqday ee Soomaaliya.

“Si ka duwan eedeymaha aan sal iyo raad toona lahayn ee dowladda Soomaaliya, Itoobiya waxay door bidday in ay u hurto nabadda iyo xasilloonida dadka walaalaha ah ee Soomaaliya in ka badan sodon sano. Itoobiya, sidaas darteed, waxay aad uga xun tahay hadallada aan loo baahnayn ee mas’uuliyad-darrada ah ee ka soo yeedhay madaxda sare ee Soomaaliya marar kala duwan oo ay isku dayeen in ay dafiraan doorka muhiimka ah ee ay Itoobiya ku leedahay dib-u-dhiska dawladnimada Soomaaliya.” ayaa lagu yidhi warka Xafiiska Afhayeenka.

“Iyadoo maanka lagu hayo sida xooggan ee ay ugu qanacsan tahay isku-tiirsanaanta gobolka”, ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka, iyadoo intaas lagu daray in xidhiidhka dhaqameed iyo xidhiidhka taariikheed ee dhiigga iyo dhididka ka dhashay, Itoobiya ayna dooran inay ka jawaabto eedeymaha aan sal iyo raadka lahayn ee maamullada ka jira Soomaaliya. Itoobiya waxay door bidday dariiqa samirka iyo ka-qaybgalka togan ee danta guud ee dadkeena”

“Itoobiya waxay sii wadi doontaa inay garab istaagto shacabka walaalaha ah ee Soomaaliya si ay uga dhabeeyaan hammigooda nabad waarta, xasillooni, horumar dhaqaale iyo iskaashi gobolka,” ayuu warku intaa ku daray.

Itoobiya waxay ku celisay adkaysigeeda la dagaalanka argagixisada iyo faafitaanka sharci darrada ah ee hubka fudud iyo walxaha qarxa.

“Waa in hoosta laga xariiqaa in, Itoobiya ay aad uga walaacsan tahay ka ganacsiga hubka fudud ee Geeska Afrika ku baahay. Maadaama gobolka ay caqabad ku yihiin colaadaha socda, xeebaha aan la xakameynin, iyo sidoo kale xuduudaha aan la hubin, waxaa lama huraan ah in dalalka gobolka ay isku dubbaridaan dadaalkooda ku aaddan la dagaallanka dambiyadaas” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka xafiiska afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here