Itoobiya oo Isticmaalkeeda Dekedaha Berbera iyo Jabuuti Hoos U Dhigaysa

0
2582

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladda Itoobiya, ayaa hoos u dhigaysa ku tiirsanaanta badan ee Dekedaha Somaliland iyo Djibouti, waxaanay shaacisay in ay istcmaali doonto oo ay qaybo ka mid Badeecadeheeda kala soo degi doonto Dekedda Lemu ee dalka Kenya oo lagu dhisay 2.5 tirilyan oo shilinka Kenya ah.

Itoobiya oo dhowaan heshiis cusub oo lagu dhisay laba guddi oo ka shaqaynaya sidii ay Itoobiya u kordhin lahayd isticmaalka Dekedda Berbera ay wada gaadheen Somaliland, ayaa waxa kale oo ay indhaha u jeedisay Lamu oo noqonaysa Marso saddexaad oo soo raaci doonta Berbera iyo Djibouti oo ay Itoobiya wax kala soo degi doonto.

Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya Dr. Alemu Sime iyo wafti hoggaaminayo oo safar shaqo oo shan maalmood qaatay ku joogay Kenya, ayaa sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay isticmaalka dekedda Lamu.

Labada dal, ayaa sidoo kale ku heshiiyey inay si wadajir ah u horumariyaan jidka Tareenka ee Lapsset corridor ee isku xidhaya dalalka Kenya, Itoobiya iyo Koonfurta Sudan, si loo fududeeyo in waddamada bad la’aanta ahi ay u isticmaalaan dekedda Lamu ee Kenya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Itoobiya Dr Alemu Sime oo booqday Dekedaha Lamu, Mombasa, Kisumu iyo Keydka Konteennarka gudaha ee Nairobi, ayaa la sheegay in uu sidoo kale qimaynayay kaabayaasha Dekedda iyo waddooyinka isku xidha Kenya iyo Itoobiya.

Wasiir Alemu oo la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dedejiyo dhismaha kaabeyaasha muhiimka u ah xidhiidhka labada dala, waxaanu yidhi: “Waxaa loo baahan yahay in la dedejiyo dhameystirka kaabayaasha taageerada si si buuxda looga faa’ideysto dekedda.”

Waxa kale oo uu Wasiirku xaqiijiyey in la samayn doono guddi isku-dhaf ah oo maamula marin-biyoodka oo ay ku jiraan koox ka socota Itoobiya, si loo ogaado caqabadaha uu waajahayo hirgelinta mashruuca Lapsset ee Tareenka isku xidhaya Kenya, Itoobiya iyo Koonfurta Sudan.

Itoobiya oo ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan oo qof, waxay doonaysaa in ay hesho dekedo kala duwan oo ay wax kala soo degto maaddaama oo ay kor usii kacayso baahideeda ah inay wax lasoo degto, waxna dhoofiso, iyada oo ku xisaabtamaysa tirada dadkeeda ee sii kordhaya, waxaanay Dekedda Lamu u aragtaa Deked istaraatiiji ah oo loogu adeegi karo gobollada Koonfureed ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Dekedda Lamu, ayaa masaafo ahaan aad uga fog inta ay Djibouti iyo Berbera u jiraan xuduudka Itoobiya, waxaanay Lamu u jirtaa magaalada Mooyaale ee xuduudka Kenya iyo Itoobiya illaa 500km halka Mooyaale ay Hawassa u jirto 500km oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here