Itoobiya oo eedaymo culus u jeedisey Soomaaliya, Kana hadashay dhaq-dhaqaaqyadda Masar

0
2299

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladda Itoobiya, ka hadashay xaaladaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika gaar ahaana dhaq dhaqaaqyadda ciidan ee maalmahan danbe ay dowladda Masar ka waday Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Itoobiya Taye Atskeselassie oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa, ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxysaa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Waxaanu wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya kaga hadkay shirkiisa jaraa’id qodobo la xidhiidha wadahadalladii dhexmaray iyaga iyo Madaxda Xamar, la dagalaanka argagixisadda, iyo arrimo kale.

Xogta wadahadalkii Itoobiya iyo Soomaaliya ku dhexmaray magaalooyinka Ankara iyo Nairobi, ayuu ku sheegay Wasiirka arrimaha Dibedda Itoobiya in dhankooda ay diyaar u ahaayeen sidii xal loo gaadhi lahaa, balse sababaha loo heshiin wayay ay ka mid tahay ergada ay dirsatay Soomaaliya oo uu ku eedeeyey Tayo xumo iyo xalalka oo uu sheegay in ay balaadhinayeen oo ay abuurayeen wax aan meeshaba oolin.

Madaxda Soomaaliya iyo xubnaha wada hadalka loo diray, ayuu ku sifeeyey kuwa aan dowladnimo waxba ka aqoon una dhaqmaya sidii in ay NGOs yihiin, go’aanada Soomaaliya ayuu sheegay in aanay dowladnimo shaqo ku la hayn oo ay madaxdu yihiin kuwa mashaariicaysteyaal.

Wasiirku, wuxuu sheegay in Itoobiya ay Soomaaliya u hurtay wax kasta, dhiig iyo in loo dhintay, lacag iyo hub, si nabada iyo dawladnimada salka loogu saldhigo. Laakiin, Soomaaliya ay abaal celin samayn wayday, madaxduna u dhaqmayaan sidii dad suuqa jooga, oo aan go’aan dawladeedba eegaynin.

Waxa kaloo uu wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, arrimaha la dagaalanka argagaixisadda Soomaaliya, oo uu ku sifeeyey in ay noqotay Kooxaha ugu taajirsan ee caalamka joogta.

Waxaanu sheegay in Itoobiya, ay si adag ula dagaalantay oo ay ka shaqaysay in meesha laga saaro, laakiin madaxda Soomaaliya aanay daacad ka ahayn la dagaalankooda oo ay mar kasta ka shaqeeyaan wax aan Argagixisada aan soo afjaraynin.

Geesta kale, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, waxa uu ka hadlay dhaq dhaqaaqyadda ciidan ee ay dowladda Masar ka wado Soomaaliya, isagoona sheegay in ⁠imaanshaha Masar, aanay maslaxad iyo dan midna u ahayn Soomaaliya iyo gobalka Geeska Afrikaba, Itoobiya ayuu sheegay in ay indhaha ku hayso dhaqdhaqaaqyada uu sheegay in ayna caafimaad qabin, oo ayna gacmaha ka laaban doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here