Itoobiya oo beenisey inay ka laabatay heshiiskii ay Somaliland la gashay

0
5623

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladda Itoobiya, ayaa waxaa ay war cusub ka soo saartay heshiiskii isfahan ee ay horaantii sannadkan la gashay dowladda Somaliland.

Itoobiya, ayaa sidoo kale waxaa ay beenisay warar lagu faafiyay baraha Internetka, kaasi oo sheegaya in ay Itoobiya ka laabatay heshiiskii ay Somaliland la gashay, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya.

Warka, ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka dalka Itoobiya lagu boorinayo inay ka digtoonaadaan wararka beenta ah ee laga fidinayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

Xafiisku waxaa kale oo uu caddeeyay in wax kasta oo ku saabsan arrimaha gudaha, gobolka, iyo kuwa caalamiga ah ee Itoobiya lagu faafin karo mareegaha rasmiga ah ee Xafiiska Raysal wasaaraha.

Sidoo kale, warka ka soo baxay xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya, ayaa lagu boorriyay qof kasta oo ka mid ah shacabka Itoobiya inuu ka digtoonaado waxyaabaha been abuurka ah ee sida khaldan loogu isticimaalayo astaamaha rasmiga ah ee xafiiskooda.

Warkan ka soo baxay dowladda Itoobiya, ayaa yimid kadib markii qaar ka mid ah Warbaahintu qoreen in Itoobiya ka laabatay heshiiska isfgarad ee dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here